Daawo:Wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya oo la kulmay Golaha Wasiiradda Puntland

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay kamid yihiin xubno katirsan Gudigga La-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka ee labada Aqal iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-U-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, ayaa waxay kulan la qaateen Golaha Wasiirada dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-Xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Cabdixakiim Cameey oo horkacayay Golaha Wasiirda Puntland ayaa furay shirka.

“Haddaan nahay Puntland waxaan si kalsooni leh idinku ballanqaadeynaa inaan idinla shaqeyno, waxaa idin saaran waajibaad adag oo ay eegayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaa nahay garbihiina wadashaqeyn iyo inaan idin la talinnaba diyaar baan u nahay” ayuu yiri Mudane Camey oo la hadlayay Wasaaradda iyo labada Guddi.

Wasiir Cabdi Xoosh oo warbixin ku saabsan Tubta dhameeystirka Dastuurka la wadaagayay Golaha Wasiirada Puntland ayaa yiri

“Wasaaradda iyo labada Guddi waxay ku heshiyeen Qorshe-hawleedka idiin horyaalla oo ah Tubta lagu dhameeystirayo Dastuurka inaga oo dooneyna in aan ka tala gelinno dhammaan Dawlad Goboleedyada, rajo wayn ayaan ka qabaa inagga oo dhammaanteen gacmaha is heysanna inaan guul ka gaarno Geedi-socodka Dib-U-Eegista Dastuurka”.

Dhankooda Guddoomiyeyaasha labada Guddi ee Wasaaradda ay shaqo wadaaga yihiin Mudane Maxamed Daahir Afrax iyo Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Kaamil ayaa waxay ka hadleen muhiimadda Tubta dhameeystirka Dastuurka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-Xiggeenka iyo Golaha Wasiiradda Puntland ayaa waxay talooyin u soo jeediyeen Wasaaradda iyo labada Guddi.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST