Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka baxeen degaanno badan oo shalay kala wareegeem Al-shabaab.
Degaannada Awdheegle,Daaru-Salaam,Mubaarak,Ugunje,Sabiid, iyo Mareeray oo shalay qabsadeen ciimada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya AMISOM ayaa wararku sheegayan in haatan ay dib uga baxeen,islamarkaana qaar kamid ah degaannadaasi ay ku noqotay Al-shabaab.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Shabeellaha Hoose,C/fataax Xaaji Cabdulle oo Warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in markii horeba ciidamadu ay halkaas u tageen in ay burburiyaan saldhigyada Al-shabaab,balse aan ujeedkodu ahayn in ay degaannada sii joogaan.
Dhinaca kale saraakiil ka tirsan Al-shabab oo la hadlay Warbaahinta iyaga taageerta ayaa sheegay in ay dib ugu noqdeen degaannadii shalay laga qabsaday,waxaana degaanada ay ku laabteen kamid ah Awdheegle,Daaru-Salaam,Mubaarak,sida ay baahisay warbaahinta Al-shabaab.
Wixii ka soo kordha kala soco:puntlandpost.net