Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xalay qudbad ka jeediyay xaflad casho sharaf ah oo ka dhacday xarunta Dowlada Hoose ee Muqdisho ayaa ka hadlay Arimo kala duwan.
Waxa uu sheegay in Madaxda Dowlada ay gaarsiinayaan dalka doorasho cod iyo qof sanadka 2020 islamarkaasina dadaal u galeeyso hirgalinta dastuurka dalka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday Shacabka Soomaaliyeed in la la shaqeeyo dowlada Soomaaliya si dalka hormar loo gaarsiiyo.
Ugu dambeeyntii Ra’isilwasaaraha ayaa soo hadal qaaday mucaaradka ka soo horjeedo dowlada waxaana uu ugu baaqay in haddii aanay taageereeynin dowlada ay joojiyaan dhibaatada ay wadaan sida uu hadalka u dhigay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho