Faah Faahin: Ciidamo ka tirsan Somaliland oo isku dhiibay Puntland

Ciidamadaan oo tiradooda aheyd 160-askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Somaliland ayaa isku dhiibay ciidamada Puntland.

Ciidamadan oo ku sugnaayeen deegaanka Caraweyn ayaa si rasmi ah isugu dhiibay shalay galinkii dambe ciidamada Puntland.

Ciidamadan ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Buuhoodle waxaana halkaasi warbaahinta kula hadlay taliyihii hogaaminayay iyo xildhibaano ka tirsan Puntland.

Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Cismaan Gar’adag  oo hogaaminayay ciidamadaan ayaa sheegay in ay ka soo goosteen Somaliland islamarkaasina ay ku biireen Puntland.

Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Xildhinaabo ka tirsan Puntland isaga oo sheegay in ay si aad ah u soo dhoweeynayaan ciidamadan isku dhiibay Puntland.
Wali Somaliland wax war ah kama soo saarin ciidamadan isku dhiibay Puntland.
Baryihii ugu dambeeysay waxaa xiisado colaadeed oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ay ka taagnaayeen Deegaano ka tirsan Gobolka Sool.
Hoos ka dhageyso codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post