Barnaamij loogu magac darey (PSU VIRTUAL CLASSES) oo lagu daahfurey Garowe

Waxaa xalay lagu daahfurey Jaamacadda Puntland State University (PSU) barnaamij Maqal iyo Muuqaal ah (PSU VIRTUAL CLASSES) oo ah casharo muqaal ah oo la diyaariyey , kuwaas oo loogu talogalay inay ka faa’ideystaan Ardayda Soomaaliyeed ee ku kula sugan dalka  iyo dibadiisa .

Daahfurka barnaamijka ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland , Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka, Madaxweynaha jaamacadda PSU, Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda, Dhakhaatiir iyo Ardayda Jaamacadda PSU .

Madaxweynaha jaamacadda PSU Maxamuud Xaamid Maxamed ayaa ku dhawaaqay in jaamacadda PSU ay fureyso kuliyada Barashada Dhakhtarnimada ( Faculty of Medicine ) qorshaheeduna uu socdo dhawaana ay daahfuri doonto .

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Puntland Faarax Maxamed Warsame oo aad u bogaadiyay barnaamijkaan ayaa sheegay in la galiyey juhdi iyo waqti aad u badan si ay uga faa,iideystaan Ardeyda Soomaaliyeed oo ay haystaan caqabado kala duwan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Dowladda Puntland Prof Abshir Awyuusuf Ciise oo ka hadlay munaasabada daahfurka ayaa sheegay Jaamacadda PSU inay tahay mid hal abuur leh oo mar kasta la socota casriga iyo is bed bedelada adduunka ka jira.

Ujeedada laga leeyahay Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah sidii kor loogu qaadi lahaa tayadda iyo aqoonta Ardeyda Jaamacadda PSU madaama ay jiraan caqabado kala duwan oo ay kala kulmaan waxbarashada wuxuuna noqonayaa barnaamij si fudud ardeydu uga heli karaan khadka Internetka iyagoo ku isticmaali kara Computer ama Telefonadooda gacanta.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST