Maxamed Mire Maxamed oo beeniyay in uu xiriir la leeyahay Daacish

Maxamed Mire Maxamed oo Dowladda Mareykanka shalay oo Jimco aheyd ay ku dartay Liiska shaqsiyaad taageero siiya Ururka Daacish ayaa arintaas beeniyay.

Mr Mire oo ah milkiilaha sharikadda Al-Mutawafaq  oo ka shaqeysa deegaanada Puntland ayaa sheegay in eedeeyntaasi ay tahay mid aan waxba ka jirin

Isaga oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu sheegay in eedeeymahaasi isaga iyo shirkadiisa loo jeediyay ay tahay been abuur aan raadlaheyn isaga oo beeniyay in xitaa uu yaqaano Cabdiqaadir Cali Muumin oo ah Madaxa Daacishta Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in sharciga hortagayo islamarkaasina uu iska bari yeelo eedeeyntaasi loo jeediyay.

Maxamed Mire Maxamed oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ah ayaa waxa uu daganyahay Magaalada Abuu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Hoos ka dhageyso Wareeysiga

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho