Ciidamada Amaanka oo Howlgal ka sameeyay Muqdisho

Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa xalay howlgalo ka sameeyay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheeysnaa ayeey ciidamadu ka fuliyeen Waaxda Taleex ee degmadaasi Hodan ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa guri guri u galayay iyaga oo baaritaanana ku sameeynayay.

Howlgalkaan ayaa  waxaa Hoggaaminayay Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Mohamed Tuulah iyo Giddoomiyaha Degmadda Hoddan Mohamed Ahmed Cantoobo.

Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi isaga oo yiri “Waxaan u Mahadcelinayaa Ciidanka Amniga NISA ee Caawa Howlgalkani sameeyay, waxaan aad ugu riyaaqay runtii sida anshaxa iyo qadarinta badan oo aad ula dhaqanteyn bulshada, waxaana ay nagalisay rajo aad u weyn, howlgalkani waxaa uu ahaa mid lagu ugaarsanayay Cadowga Umaddaan kaas oo markasta shacabka ku dhax-dhuunta, waxaana caawa halkan aan u joogaan Xiligan, waa in aan xaqiijino Ambiga Caasimadda, taas oo ah mid naga go’an hadaanahay Maamulka iyo Hay’adaha Amniga Gobolka Banaadir. ayuu yiri Gudoomiyuhu

Dhanka kale Shacabka ayuu ugu baaqay in ay Ha’adaha amaanka iyo Maamulka Gobolka ay gacan ku gacan siiyaan sugida amaanka”Shabacka Caasimadda waxaa ka rabnaa laba arrimood, In ay nagu caawiyaan soo qabasha iyo ugaarsiga Cadowga oo ay noo far-muqaan, iyo in ay noo dulqaataan inta aan ku jirno howlgalada Cadowga lagu baacsanayo” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Banaadir.

Hoos ka Daawo Sawirada

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho