Wasiirka Cadaaladda Puntland oo si adag uga hadlay lacagta lagu tago Xajka

Wasiirka Cadaalladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo maanta kasoo degay Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe ka dib socdaal uu kaga soo noqday dalalka Mareykanka,Turkiga, Kenya iyo Masar wuxuu si adag uga hadlay muranka ka taagan qiimaha qaaliga ee shacabka Soomaalidu ku tagaan Xajka.
 
Wasiir Xabiib ayaa ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya inay wax ka qabato cabasho xoogan oo ka jirta qiimaha Soomaalidu sanadkii ku aadan gudashada waajibaadka xajka oo ah kan ugu qaalisan adduunka, wuxuuna ku eedeeyay arrintaas shirkadda Jubba Airways inay sabab u tahay sarre u kaca qiimaha xajka oo qofkiiba laga qaato lacag gaareysa $ 4,000 ( Afar kun oo dollar).
 
Wuxuu sheegay Wasiirka Cadaalladda Puntland 15 bishan 2018 in Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya saxiixi doonaan qoondada Dowladda Sucuudigu ka siisay tirada dadka Soomaalida ee u socdaalaya xajka, wuxuuna ugu baaqay Gollaha Wasiiradda Soomaaliya inay kaalin muhiim ah ka geystaan sidii wax looga bedeli lahaa musuqmaasuqa xoogan oo in muddo ah ka jiray qiimaha lacagta lagu tago Xajka.

Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland ayaa ugu baaqay shirkaddaha duulimaadyadda inay u tartamaan tagitaanka dalka Saudi Arabia xilliyadda xajka, si meesha looga saaro in qollo gaar ah afduub u haysato duulimaadka xajka.

Waa markii ugu horeysay oo masuul ka tirsan Puntland uu si adag uga hadlo qiimo xad dhaaf ah oo  dadka Soomaaliyeed lagu geeyo sanad kasta gudashada xajka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST