Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa tababar loogu soo xiray ciidamo gaar ah oo loo diyaarinayo isticmaalka hubka culus.
Ciidamadaan oo tiradooda ay gaareeyso 150 Askari oo katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa noqonayo ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab.
Tababarkaan ciidamadaan waxaa Bixinayay Saraakiil sar sare oo katirsan Dowlada Itoobiya.
Taliyaha Guutada 43-aad ee ciidamada Xooga Dalka Gen. Ismaaciil Saxardiid ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamadaan ay wax weeyn ku soo kordhin doonaan Dagaalka Al-Shabaab.
Dowlada Soomaaliya ayaa ku jirta Abaabulka dagaal culus oo lagu qaado Al-Shabaab.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho