Maamulka Banaadir oo sheegay in Muqdisho aan la keeni karin Dawo iyo Raashin dhacay

Muqdisho (PP) ─ Waaxda Faya-dhowrka ee Gobolka Benaadir u qaabilsan ka hor-tagga waxyaabaha dhacay iyo qiimaynta tayada Badeecadaha kana ka hawl-gasha Dekedda weyn ee Xamar ,ayaa maanta soo bandhigtay raashin iyo waadooyin uu waqtigeedu dhamaaday,taasoo ay ku wareejiyeen laamaha ammaanka si loo gubo.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta gobolka Benaadir, Marwo Basmo Caamir Shakeeti oo kormeer ku tagtay goobaha laga helay agabka dhacay ayaa sheegtay in dawladda hoose oo kaashanaysa hay’adaha ku shaqada leh iyo laamaha amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo magaalada soo gelinaysa alaabooyin dhacay.

“Waxaan kormeer ku tagnay Dekedda magaalada Muqdisho, si aan u baarno cabashooyin maalmahan halkaas naga soo gaarayay, baaritaan kadib, waxaan halkaas ka helnay hal kontaynar oo daawo dhacday ah kuna taariikhaysan, 2014-2016-2017. Sidoo kale, waxaan bakhaarka no.3 ku soo aragnay jawaano bur dhacay ku jiro kaas oo biyo ay soo gaareen, cid walba oo arrimahaas ku lug leh oo doonaysa in magaalada la galiyo badeeco dhacdayna tallaabo ayaan ka qaadaynaa”. Ayay tiri Marwo Basmo Caaimir.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Basmo Caamir ayaa ganacsatada Soomaaliyeed fartay in eysan dib dambe u keenin dalka wax ayan naftooda u quurin, iyadoo xustay in laga baxay waqtigii fawdada uu dalku ku jiray, lana joogo xiligii isla xisaabtanka iyo dabagalka wax yaabaha dalka soo galaya.  

PUNTLAND POST