Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta ay ka taagantahay xiisad dagaal.
Xiisadaan ayaa waxa ay u dhaxeeysa Ciidamada Jubbaland iyo ciidamo qaab beeleed u abaabulan oo daacad u ah Xildhibaan Axmed Taajir oo la sheegay in kalsoonidii Baarlamaanka lagala noqday.
Ciidamada ayaa isku Horfadhiya Gudaha Magaalada Kismaayo waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas teel teel ah oo labada dhinac ay isku ridayaan.
Sidoo kale Ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa Jubbaland ayaa lagu daadiyay Wadooyinka iyo xaafadaha Magaalada Kismaayo.
Waxaa wali xabsiga Kismaayo ku xiran Xildhibaan Axmed Taajir oo xalay ay xireen ciidamada Nabadsugida Jubbaland.
Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal uu ku dhex qarxo Ciidamada Jubbaland iyo Ciidamadaasi hubeeysan ee ka soo horjeedo Xariga Xildhibaan Axmed Taajir.
Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post