Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo tababar heer sare ahi ugu soo xirmay Garoowe

Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa maanta Tababar soconayey muddo toban beri ahi ugu soo xirmay Xarunta Jaamacadda Puntland State waxaana Tababarkaasi bixinaysey Jaamacadda PSU gaar ahaan   Mac-hadka Maamulka iyo Maaraynta ee  Institute of Public Administration and Management (IPAM) iyadoona  ay qayb ka ahayd tababarkaasi Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland.

Tababarkaan ayaa isugu jirey labo qaybood oo kala ah ToT’s oo shaqaalaha dawladda qayb kamid ah loo diyaarinayey inay iyagu noqdaan tababareyaal, kuwaas oo dawladda ka caawin doona tababarka shaqaalah, halka  qaybta labaadna ahayd Tababar heer sare ah oo lasiinayey shaqaalaha rayidka ah ee dawladda (Advanced Level Traininig).

Muddadii uu tababarkaani soconayey ayaa shaqaalaha rayidka ah ee dawladda waxaa lagu tababarayey koorsooyinka kala duwan oo muhim u ah shaqada ay dawladda u hayaan (short Courses) kuwaas oo lagu salaynayey qof walba  cilmigii uu markii hore soo bartay isla markaana uu dawladda ugu shaqeeyo.

Shaqaalahaan tababarka loo qabtay ayaa waxay ka koobnaayeen  boosaska  kala ah  Madaxqaybeedada Human Resource, Finance, Procurement, Monitoring & Evaluation, Information and Communication Technology  iyo Policy Planning and Research ee dhammaan xarumaha kala duwan ee dawladda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Puntland State Mudane Maxamuud Shiikh Xaamud oo ugu horrayn munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa diiradda ku saaray hadalkiisa qiimaha ay leedahay aqoontu iyo sida ay muhiimka ugu tahay shaqaalaha dawladda Inay ka faa’iideystaan cilmigii ay halkaan ku qaateen.

Agaasimaha Mac-hadka Maamulka iyo Maaraynta IPAM Mudane Warsame Maxamud Xasan oo isaguna munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu tababarkaani u leeyahay shqaalaha dawladda isagoona xusay inay ku dabo geli doonaan shaqaalaha dawladda cilmigii la baray siday ugu faa’iideeyaan shaqaalaha kale ee ay uga yimaadeen xafiisyada dawladda.

Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mudane Jaamac Xirsi Faarax ayaa kula dar-daarmay shaqaalaha rayidka ah ee dawladda inay ka dhabeeyaan taabba-gelinta cilmigii ay barteen, taas oo la doonayo in si dhaqso ah looga dareemo xafiisyada  dawladda marka ay ku laabtaan.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa isaguna ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha dawladdu ay helaan tababarro dheeraad ah isagoo tusaale u soo qaatay waddamada hore-umaray dhammaantood inay laf dhabar ka dhigteen tayanta iyo tababaridda shaqaalahooda, taasina ay dhaxalsiisay guulaha waaweyn ee ay gaareen.

Ugu dambayn Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha dawaladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo soo xiray Munaasabadda ayaa ku dheeraaday dedaalkii ay xukuumaddu u gashay barnaamijka tayaynta shaqalaaha, kaas oo kamid ahaa ballan qaadkii Madaxweynaha isla markaana maanta noqday mid si weyn loogu guuleystey.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay si daacadnimo iyo waddaniyadi ku jirto ugu adeegaan bulshada isagoona u ballan qaaday in ay heli doonaan dallacsiin ay ku mutaysteen hawl-karnimadooda, isagoona ugu dambayn  guddoonsiiyey shahaadooyin caddaynaya cilmiga ay barteen.