Madax dalal kale xilka u haya Soomaaliyana xukuma! IV Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan

{Waagii hore astaamaha Aqoonyahan Lagu sheego Waxay ahaayeen caato, Bidaar rifatay, arradan!.. Laakiin bal kuwa maanta Jooga fiiri!…wax baa khaldan!}

Aqoonyahankii aan naqaanay maanta ma joogo!….dhaqankii wanaagsanaa ee mujtamaceenna sababta ay intiisii badnayd u dhuntay waan garan karan karnaa, waxaana ugu muhiimsanaa in aan la siin qiimihii uu lahaa oo aan dhallin yarada lagu qasbi jirin si ay dhaqan uga dhigtaan, inuusan qornayn ama aan xeerar dhigan oo la kala dhaxlo ama lagu daray nidaamkii wax-barshada uusan lahayn, taasina waxay horseeday in dhaqankeenii uu noqdo si fudud loo xididdo siibo oo kolba uu ku milmo dhaqmmada ciddii inoo timaada oo ay dhaqankeeda ku bedesho!….Aabbayaashii iyo hooyooyinkii, dadkaii dhaqanka waalidka ku ahaana runtii kaalintooda macno weyn way samayn waysay maadaama aysan jirin tiirar waaweyn oo dhaqankii ilaalinaya sida qoraal ilmaha iyo qof kasta uu ka heli karo dhaqanka noloshii awoowayaashii ay ku dhisnayd, ama far-shaxan tilmaamaya raadka il-baxnimo ee dhaqankii mujtamaca…..Mararka qaarkood waxaad moodaa tiro badan oo dadka wax bartay ah in aqoontooda aysan qofnimo weelaysnayn!..shaki la’aan aqoonta qofka waxaa weeleeya waa dhaqanka mujtamaciisa marka haddii uu dumay oo dhaqankii isla markaasna uu cadow kasta oo dan innaga lahaa waxa ugu horeeya ee uu inagala dagaalay noqotay dhaqankii waxaa soo baxay waxay noqdeen; Aqoon la’aan, xishood la’aan, kala-dambayn la’aan, xeer iyo sharci la’aan waayo waxaa meesha ka maqan wixii weeleyn lahaa oo ahaa DHAQANKEENNII!….

Aqoonyahankii hore astaamo cajiib ah oo dadka ka dhaadhacsanaa oo lagu tilmaansado baa jiray, oo hadda marka aad aragto aqoonyahanka maanta jira sida uu u dhaqmayo aad is leedahay malaha aqoonyahankii runta ahaa waa kuwii hore ee dadku ay dhihi jireen; aqoonyahanku Bidaar buu leeyahay, waa gaajaysan yahay oo hanti ma haysto, dadkana ma baryo oo wuu ka xishoodaa, wax ma xado oo waa iskala weynyahay, madaxnimo inay ka maqantahay ma qabo oo isagaa dadka isula sareeya, wax walbana wuxuu ka jeclyahay in mar uun uu arko aqoontiisa oo wax laga dheefo!….Kaaf iyo Kala DHeeri!……Aqoonyahanka maanta astamahaas ma ku aragtay?!…bal ka feker immisaa aqoonyahankeena maanta astaamahaas leh?!…..Dadku wax badan bay ku taamayeen in mar keliya dalka hoggaankiisa aqoonyahan loo dhiibo!….Hadda ama intii muddo ahaydba waxaa la dhihi karaa ama xaqiiqduba in awooddii siyaasadeed ee dalka dad aqoonyahan loo dhiibay hadana waxaad moodaa hadana waxaa la moodaa in xaaladdii dalka ay ka sii darayso!….bal adigu qiyaas? ….waxayba arrintu maraysaa heer aynaan isku hubin lahaanshihii dalka…Kurusow, Kurusow sidaan u lahaa waaba igu kadleeyayba……

Aqoonyahankeenii dalka wax ku bartay ama xataa kuwii dalka intuu nabadda ahaa dibadaha wax ku soo bartay in ku dhow 85% waxay ahaayeen kuwo ku dayasho mudan, marka ay timaado xil-kasnimmada, lixo-jeclaha dalka iyo ummadda, waxay ahaayeen dad aad u han-weyn, wax hambeeya, waxyaabaha qaarkood ka sariigta….ma lihin khaladaad ma lahayn, waxaana taas sabab looga dhigi karaa wali in dhaqanku noolaa iyagana….laakiin hadda?!…. Dagaal-Oogayaashii qoryaha iyo madaafiicda watay waxaa inoo bedelay Dagaal-Oogayaal qalin wata! wada tie xiran, wada Laptop wata, wada shaxaadaya Sir-Doonka shisheeyaha ah ee dalkii buuxiyay, oo shaxaadka iyo inay shisheeyaha baryaan aan ceeb u qabin. Dagaal-Ooge hagardaamada iyo gefka uu ummadda ka galayo u yaqaan aqoon iyo il-baxnimo. Dagaal-Ooge ay shisheeye soo dirsadeen baaba’a dalkii iyo dadkana iyaga ku raali gelinaya….waxaa kaaga daran duliga uu Dagaal-Oogahaas qabo!….waxaan xasuusanahay sannadihii 90dii niman badan war-geysyada Soomaaliya laga soo daabaco iyagoo aan loo dirsan intay afafka Ingiriiska, Carabiga, iyo Talyaaniga ku turjumaan safaaradaha ay dalalka shisheeyaha ah ku leeyihiin Nairobi geeya, waxaa iigu qosol badnaa sheeko uu maalin ii sheegay nin raggaas ka mid ah, wuxuu iiga sheekeeyay in maalin kasta uu Soomaaliga turjumi jiray isagoo is lahaa warka aad geeyso ba haddii ay safaaradaha middood shaqo kugu siiso ama ay mid un turjumaan kuu qaadato, ama….laakiin taas ma dhicin….

Wuxuu yiri mindhaa tobaneeyo nin ayaan nahay oo safaaradaha ayaan wax u turjunnaa, hadana kaaga daranee dhammaanteen cidna inama dirsan, kaaga darnee qaarkeen intaas ay wax geyniyaan xataa magacooda lama weydiin, laynama wareysto, laynama fadhiisiyo, safaarad kasta dariishad yar un bay ina tiraahdaa waraaqaha ka dhiiba, waxaas aan wax qorayno, waxaas aan ordayno, haba yaraatee wax xushmad ah laynooma hayo, ixtiraam yar laynama tuso!….Maalin kasta indhahaan iska ridnaa wararka Soomaaliya laga soo qoro ayaan turjunaa, “MAHADSANID” xataa laynama dhaho!….waxaa iigu darnaa ayuu yiri safaarad ka mid ah kuwa dalalka reer galbeedka oo markaan qoraal geeyaba intay cinwaannada wararka aan soo turjumay fiiriyaan oo madax ruxaan, oo waraaqahayga isku jajibiyaan oo qashinka ku tuuraan bay i oran jireen “Waan ka xunnahay saaxiib wararkaan xalaan helnnay waad la soo daahday!” wareer, markaasaan tuhmaa in raggii kale hortay keeneen, maalin kasta dadaal iyo orad baa iga dhammaaday, iyagana maalin kasta waxay i yiraahdaan “Warkaan xalay habeenimmadii baan helnay!” anigu yaab baa Alle ii keenay, maalin kasta aroortii baan gigada diyaaradaha ee Wilson Airport ee Nairobi fariistaa, diyaaradda u horeysa ee Soomaaliya ka timaadda qofna iigama hor maro hadana wax kasta oo aan turjumo waxay i leeyihiin Xalaynimo Ayaan warkaan Helnay! Waraaqahaygana qashinkaa lagu daraa, nin kasta oo innaga mid ahna sidaas un baa loola dhaqmayay….waxaase yaab lahaa sida aaniqu qanacsanaa beenta ay ii sheegaan!….Runtii way igu adkayd inaan u maleeyo inay been ii sheegayaan!….

Waxaa iga dhaadhacsan Gaaladu been ma sheegaan, wax ma khayaanaan, wax kasta oo ay ii sheegaan waxaan u haystay inay daacad ka tahay, maxaan war kugu daaliyaa maalinkii dambe ayaan dariishadii waxaan ka dhiibay waraaqihii aan soo turjumay, iyagana sidii ay caadadooda ahaydba intay isku jajabiyeen waraaqihii ayeey qashinkii ku dareen oo I yiraahdeen “Waan ka xunnahay warkaan waa mid hore, dhowr maalin ka hor baan haynay.” Mararka qaarkood waxaan la yaabi jiray warkii maanta la soo qoray ayeey I ornayeen horaan u haynay, hadana way igu adkayd inaan beensado , maalintaas anigoo aad u niyad xun, oo cagaha jiidaya ayaan dariishaddii ka soo dhaqaaqay, markaan talaabooyin aan sidaas u badnayn ka soo socday ayaa madaxaygaa waxaa ku soo dhacay in nimanka dariishadda jooga aan weydiiyo haddii ay safaaradd ka banaantahay wax shaqo ah oo aan codsan karo, waayo wixii aan samaynayey waxba waa ka soo naaso caddaan waayeen…Laakiin maxaa dhacay?! Waxaa dhacay wax aanaan filayn oo aanan ku fekerayn!….Waxaan soo istaagay dariishadda iyadoo waraaqihaygii qashinka inta laga soo bixiyay la toostoosinayo oo qaarkood gal la geliyay qaarna la aqrinayo!….

{57sano baa Soomaaliya dowlad Ahayd, ma aqoon dowladnimaa innaga maqan mise daacadnimo daraa jirta?!!….Mise?!}

DHibaatooyinka kale ee arrintaan bari-taaray waxaa ka mid ahaa in shirarkii qab-qablayaasha loogu qabanayay dalalka shisheeyaha ah maamulka shirarkaas ay mar kasta gacanta ku hayeen sir-doonnada dalalka shisheeyaha ah, taasna waxay keentay in la fahmay oo gacanta lagu dhigay nidaamkii hoggaanka siyaasadda iyo guud ahaan qaabka ay u fekerayaan siyaasiyiinta colaadihii dalka dumiyay ku samaysmay! Waxayna horseedeen dhibaato aan daawo lahayn oo ay hoggaankii dalka ku wareejiyeen shisheeye waliba cadow ah, waayo dhammaan dalalkaii shisheeye ee Soomaalida shirarka u qabnayay ma jirin hal dal oo ka mid ah oo ay burburkii ka hor Soomaalida xiriir fiican oo saaxiibtanimo lahaayeen!! Marka adiga Qiyaas! Qiyaas, oo si dhab ah u feker maxay dalalkaas shisheeyaha ah Soomaalida ugu qabteen shirarkaas dib-u-heshiisiinta ku magacaabnaa?!…Maxaa sida aalaaba meelo badan ka dhacda inta ciidamo xooggan la keeno kolayba in laynoo xoog sheegto baa qorshuhu ahaayee, maxaa laynoo hambayn waayay?! Dadkii iyo dalkii maxaa muddada intaas la eg loo duminaayay?! Ingiriis iyo Itoobiya maxay goosashada Somaliland u taageersanyihiin?!…Maxaa Oramada loogu soo daadshay Soomaaliya oo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay dalka inooga baxa u dhihi waayeen?! Maxay uga jawaabi waayeen ama ug hadli waayeen dilalka iyo dagaallada ay lagu hayo dadka Soomaaliyeed gudaha Itoobiya?

Is-weyddii, jawaabata waxaan ka garan karnaa sida ay hadda inoola dhaqmayaan dalalkii shirarka inoo qabanayay ama guud ahaanba waxaa loogu yeero Beesha caalamka, shirarkaas dantii laga lahaana waxaa ka soo baxay in Norway iyo Israel oo ku hagoogan magaca Kenya inay baddeennii damaaciyeen walina laynagu haysto, in dekedaheennii iyo gigooyinkeenii ay gorgorinayaan dalal burburkii ka hore siyaabo badan annaga inoo dugsanayay!…..Sababta ugu weyn oo waxaas oo dhan asalka u ahna waxay tahay in Soomaaliya aysan cagaheeda dib isugu taagin maadaama ay tahay dowlad Islaam ah oo hareraha ay ka deggenyihiin dalal masiixiyiin ah, waxa jidka loo falayo waa siyaasaddaas, waxaana wali socda qorshihii hore ee cadowga Soomaaliyeed waligiis ku taamiyay waxa ugu weyn ee loo soo marayana waa Aqoonyahan gaar ah ama Siyaasi adiga kuu eg caqligiisii iyo maskaxdiisiina la soo farsamo tuntay oo cadowgaagu soo samaystay…Oo waa aqoonyahankee ama siyaasigee?…Meel dheer ha aadin, nimankan cirka kama soo dhicin, xaaladda musuqmaasuqa ah ee dalka aafaysay maanta dhammaanteed ama badankeeda waxaa eeddeeda qaadaya ama mas’uul ka ah dadkii loogu xishay aqoonta!….

SHirarkaas waxaa ugu muhiimsanaa midkii lagu qabtay xarunta Mbagathi KCCT (Kenya College Of Communications Technology), shirkaas oo socday intii u dhexeysay Oktober 2002 ilaa Oktoobar2004tii waxaa dalalkii nacabka inoo ahaa ee shirka inoo qabtay ka faa’ideen inay barteen tabta siyaasiyiintii (Qab-qablayaashii) shirka joogay, waxaa arrinta uga sii daray dhallin-yaro dalalka reer galbeedka ah ay soo taba-bareen oo huwan magac inay yihiin Wax-Garadkii (Intellectuals) ummadda Soomaaliyeed oo shirka ku soo yaacay iyadoo runtii qaarkood la tuhmi karay inuu shirka u soo dirsaday dalka soo taba-baray, dhallin yaradaas qaarkood waxaa markii horaba soo dhoweystay siyaasiyiintii shirka hor boodayay (Qab-qablayaashii) oo iyagu qabay baahi weyn oo ahayd inay helaan wax xiriir uga sameeya dalalka reer galbeedka, in badan oo dhallin-yarradaas ka mid ahna waxaa shirka lagu soo fariisiyay magaca waxa loogu yeero Bulshada-Rayadka ah ( Civil-Society), tani waxay suuro gelisay in la dhiso nidaamkii hogaanka siyaasadda dalka loogu gacan gelin lahaa madax dalalka shisheeyaha ah u adeegaya!… waxaan wali xasuusnahay in arrin kasta oo ay wadato ama ay diidantahay waxa Beesha Caalamka isugu yeera, ay shirka gudihiisa wakiil uga ahaayeen kooxda Bulshada Rayadka ah!….

Raggaas la soo carbistay shirka waxaa lagu soo fariisiyay nidaam aad u quruxsan oo aysan kooxihii shirka fadhiyay midna ka hor imaan sababtoo ah magaca Civil Society (Bulshada Rayadka) macnaha ay u fahamsanaayeen siyaasiyiintii shirka fadhiyay iyo danta laga lahaa ayaa kala duwanaa….waxaa marar badan dhacday in Qab-qablayaashii shirka fadhiyay ay yiraahdeen” Bulshada Rayadka waxay ka mid yihiin kooxaha hubaysan ee shirka fadhiya!” taasoo ku tusaysa awoodda ay Bulshada- Rayadka shirka ku lahayd inay xataa mararka qaarkood ka badnayd tii Qab-qablayaashii ama hoggaamiyeyaashii shirka fadhiyay!….Adigu qiyaas!….. Xubnihii shirkaas ku fadhiyaya magaca Bulshada-Rayadka waxay u badnaayeen dad aan la garanayn, waxaase ka dhex muuqday magacyo ay ka horeeyaan Doctor iyo Professor, inta badan xubnaha magacyadaas wata waxay ahaayeen kuwo ay dowlado shisheeye shirka keeneen, isla markaasn lagala tashto shirka iyo meesha loo jihaynayo iyo sida loo meel marinayo waxayna sidaas lacago uga qaadanayeen IGAD ama dowladaha kale ee shirka danayniyay….

[Nuur-Cadde ra’iisal wazaaranimamadii muxuu ku doorsaday?!}

Waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso ninkaan sidee buu waxaas ku ogaaday?!….waa weydiin meesha soo geli karta laakiin jawaabteedu way ka fududahay siday adiga kuula adkaatay…..Ma aha inaan aniga sir dahsoonayd raadshay ama aan dhulka qoday!…. waxaa inta aan xasuusnahay tirada Soomaalida jawaasiista ah ee shirka ka tirsanaa waxaa ay gaaraysay ilaa 8-9 nin, waxaa kaloo jiray ilaa 3 haween ah, nimankaas iyagaa is sheegayay oo nin kasta midka kale sheegay , sababta keentay arrintaas ma garan karo laakiin waxaan u qaatay inay ahayd yaan adiga lagu tuhmin, waxayna wararka kala siin jireen safaardaha ay magacaabeen; Maraykanka, Ingiriiska, Sacuudiga, Masaarida, Midowga Immaaradaha Carabta, Qadhar.….waxaana arrin xusid mudan ah in dhammaan nimankaas ay ahaayeen niman dibadaha ka yimid, kana faa’idaystay baahida badnayd ee ay Qab-Qablayaashii ama Siyaasiyiinta shirka fadhiyay u qabeen diplomat-siyiinta dalalka reer galbeedka iyo carabaha. Waxaase intaas oo dhan ka badnaa yaab badnaa in raggaas dhammaantood ay ka mid noqdeen golaha shacabka ama golaha xukuumadda!….miyeysan ahayn madax dalal kale xilka u haya laakiin Xil-DHibaano ama waziiro annaga inoo ah!…..dalalka Itoobiya iyo Kenya iyaga kaalinta Sir-Doonkooda uu shirka ku lahaa waxaa ka muhiimsanaa inay qayb weyn oo saamaynteedu muuqato ay ku lahaayeen oo talada la wadaageen Qab-Qablayaashii iyo siyaasiyiintii shirka loo qabtay…

SHirkaas markuu dhammaaday waxaa furmay irrid weyn oo cadowgii uu ka soo galo dalkii. Irrid sida laga soo xigtay qaar ka mid ah ergooyinkii shisheeye ee shirka joogay 30 kii sano ee burburka ka horeysay wax furo la waayay, hadday tahay xag dhul, diin, dhaqan’ iyo mid siyaasadeed. Waxaa si aad loo fahmay saykoolojigii siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waxaana qaarkood la gaarsiiyay in lagu laaluusho in Visa-yaal (Dal-Ku-Gal) ilmahooda ama qaraabadooda la siiyo, ama inta tiro visa-yaal ah la siiyo la yiraahdo dadka ka iibsada, annagana inoo shaqeeya!….Waxay arrintu gaartay in wax kasta siyaasigeenna loola bareero. Aqoonyahankii marka laga reebo in yar, waxaa soo baxay aqoonyahan rumaysan inuu ku baahi baxo siyaasadda dalka, waxaa samaysmay diplomat-siyiin wada raba inay ku faqri baxaan in diplomatsiyiinta shisheeyaha u adeegaan…. Arrintu waxay ka bilaabatay in waziiro ka tirsan xukuumaddii shirkaas lagu soo dhisay ay mushaar ka qaataan dalka Maraykanka!….bal adigu malee!…illaa heer ra’iisal wazaarihii dalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) la oggoleysiiyay inuu xukuumaddiisii iyo dowladdii uu ra’iisal wazaaraha ka ahaa rido!….waxaas oo dhan yaa fure u ah nimankii Aqoonyahanka ahaa….Nimankii qurbaha ka yimid!…. Siyaasigii Soomaaliyeed waxaa lagu khayaanay mashaariic horumarineed been ah, laami baan dhisaynaa adigu saami baad leedahay, Isbitaal baan dhisaynaa adigu saami baad leedahay! Iskuul baan dhisaynaa adigu Saami!….Guryaan dhisaynaa adigu saami baad ku leedahay…Adigu dulaal baad ka tahay!….ilaa aan hadda marayno Badda xudduudeeda Kenya qaar baan siinaynaa adigu dulaal baad leedahay!….Dekeddaas baan qaadanaynaa adigu dulaal baad leedahay!….waxa uu dulaalka ka noqonayo waa wixiisii, isagaa lahaa!….YAA?!…..Waa Aqoonyahankee, Waxaba isagaa lahaa….

Fiiri arrimaha sida ay isu daba socdeen, sida loo soo diyaariyay; Cabdullaahi Yuusuf Axmed madax-weynihii dalka waxaa lagu saladay ra’iisal wazaarihii uu soo xushay Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde) waxaana daba taagnaa oo hawsha gadaal ka waday Axmed Walad Cabdallah oo ahaa wakiilkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya. Qarammada midoobay; macna ahaan hal si uma macnaysanto, laakiin mar kasta waxay ku macnaysantahay hadba danta ay leeyihiin dalalkii aasaastay ee dhistay ee markii hore magacoodu ahaa League Of Nations kuwaas oo ah dalalka xoogga is biday oo ay ku jiraan guumeystayaashii hore iyo kuwa cusub, Axmed Walad Cabdallah oo runtii ummadda Soomaaliyeed ugu qoran bog gaar ah, wxuu ahaa uur-kiraale loo adeegsaday burburinta ummadnimo iyo qaranimo ee Soomaaliya. Waxaa kaloo lagu salladay waziirkii hore arrimaha dibadda ee Itoobiya Seyoum Mesfin oo ka sokow guumeystayaasha soo adeegsaday aan garanayno shaxda uu ku shaqaynayay iyo hadafka siyaasaddiisu waxay ahayd, waxaana intaas oo dhan ka darnaa islaantii Jandayi Elizibeth Frazer, oo iyadu ahayd u qaybsanaha arrimaha Afrika ee wazaarada arrimaha dibadda ee dowladda Maraykanka oo iyadu qaylo iyo handadaad cad kala hor timid Madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf, oo aysan markii horaba doorashadiisii ku faraxsanayn dowladda Maraykanka.

{Max’ed Cali Ameerika safiirkii Soomaaliya u joogay Kenya, wuxuu Soomaaliya oo dhan siiyay EU-da!….Laakiin sidee EU-da u rumaysatay taas?!}

DHibaatada u weyn waxay ka dhalatay guddoomiyihii barlamanka Adan Max’ed Nuur (Aadan –Madoobe) oo markuu khilaafkii adkaaday maareyn waayay shaqadii barlamanka la soo gudboonaatay, cabsi weyn oo gashay iyo waayo-aragnimo la’aan aawgeedna xil-dhibaannadii meelna u jihayn waayay, inta badanna la tashanayay Axmed Walad Cabdallah iyo Seyoum Mesfin, waxaa sidoo kale baqdin weyn ay gashay xil-dhibaannadii golaha shacabka, taasina waxay natiijadeedii noqotay in talada laga sugo ama ay laba wareegaan Axmed Welad Cabdallah oo isagu ciyaariyay kaalinta ugu muhiimsanayd oo ahayd wax kastaba ha ku kacdee sidii loo ridi lahaa madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf, waxaana aad loo rumaysanyahay in Axmed Walad Cabdallah uu fulinayay talo ay u soo dhiibtay dowladda Maraykanka…..Tani waxay irridaha u furtay Waa-Cusub! Casrigii Basaasiinta!……Waxaa si tartiib-tartiib ah loo soo geliyay hoggaankii siyaasadda dalka niman ay dalal shisheeye u soo taba-bareen inay ku adeegtaan iyadoo la isticmaalayo Nuur Xasan Xuseen ( Nuur-Cadde) laakiin sida laga soo xigtay xil-dhibaano iyo siyaasiyiin isaga ku dhow-dhowaa wuxuu markii hore rumaysnaa in waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay isaga maal gelin doonto ayna ku bedeli doonto Cabdullaahi Yuusuf, laakiin mar dambe ayaa hadana waxaa soo baxay inay ka shakiyeen inuu hawshaas ka soo bixi karo iyadoo lala tashanayo Axmed Walad Cabdallah.

Nuur cadde ayaa intii uu ra’iisal wazaaraha ahaa wuxuu ku shaqeeyay siyaasad uu kaga soo hor jeedo dowladdiisii, wuxuu la dagaalay dadkiisii iyo dalkiisii, wuxuuna arrintaas ammaan iyo taageero kaga helay waxa Beesha Caalamka loogu yeero!….Arrinta la yaabka leh waxay ahayd in siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan waxba ka oran fara gelintii qaawanayd ee waxa Beesha Caalamka loogu yeero ku arrimihii markaas socday, waxaana wali dabeecad jirta ah in gefefka iyo fara gelinta dalalka shisheeyaha ah ay ku hayaan arrimaha siyaasadeed ee dalka aysan ka hadlin siyaasiyiinta dalka, ama ha ahaadaan kuwa golayaasha dowladda ku jira ama ha kuwa aan ku jirinee….arrintani waxay macnaynaysaa siyaasiyiinta dalka nooca ay yihiin, waxay cadaynaysaa inaysan u shaqayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed!….Macnaha, u fiirso gef iyo gef la’aanba siyaasiga Soomaaliyeed waxay shisheeyuhu sameeyaan siyaasiga Soomaaliyeed waa agtiisu waa sax ama waa ka sharci, xataa haddii la yiraahdo xilka ka tag sabab la’aan!….Oo muxuu Nuur-Cadde xilkiisii ku bedeshay? Bal adigu sheeg!….Wuu ogaa haddii uu dowladda rido inuusan ka harayn oo uusan ra’iisal wazaare sii ahaanayn, wuu ogaa inuusan madax-weyne noqonayn, xataa waziir inuusan noqonayn wuu ogaa, ma la dhihi karaa markii horaba dal kale ayuu u shaqanayay?! Haddii aysan taas jirin muxuu xilkii uu ummadda u hayay ku bedeshay?!….Madax dalal kale xilka u haya Soomaaliyana xukuma!…..

Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan