Khasaaraha dabkii Garowe iyo Shaqsi door muhiima ka qaatey oo boolisku xirey.

Ka dib dab khasaare nafeed iyo mid hantiyeed geystay oo soo wajahay qaar ka mid ah goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Garowe ayaa wararka soo baxaya sheegayaan booliska Garowe inay xabsiga dhigeen nin halyeey ah oo ka mid ahaa dadkii u gurmadey yareynta khasaaraha dabkaas oo si karti leh uga qeybqaatey daminta gaari shidaal wada, wallow markii dambe lasoo daayay shaqsigaan oo aysan u suurto galin Warbaahinta PUNTLAND POST inay hesho magaciisa.

Dabkaan oo khasaare ba,an u geystay meherado ku teedhsanaa wadada laamiga dheer ee magaalada Garowe gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano Bulsho ayaa sidoo kale sababay dhimashada dhawr qof, dhaawaca ilaa 8 ruux iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh, wuxuuna dabku ka bilowday goob kaalin ah xilli gaari booyad ah uu shidaal ku shubayay kaalintii gubatey, waxaana si dirqiya goobtaas uga badbaaday gaarigii sidey shidaalka xilli ay ololeyso qeybtiisa dambe, Islamarkaana qarka u istaagtey inay qaraxdo haan shidaal oo gaarigu sidey.

Mid ka mid ah dadkii ka agdhawaa goobta ayaa la xaqiijiyay inuu si karti leh u kala badbaadiyay dabka iyo gaariga shidaalka sidey waxyar ka hor intuusan dabku usoo gudbin haanta shidaalka ee ku xirneyd gaarigaas sigtey.

Waxaa la rumaysan yahay khasaaraha inuu intaas ka badan lahaa haddii aanan shaqsigaasi badbaadiyeen gaariga sidey shidaalka Haddaba Wariye Abshir Dhiirane ayaa wareysi amuurtaas ku saabsan la yeeshay Xoghayaha Dowladda hoose ee magaalada Garoowe Maxamuud Cali Gurey.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST