Duqa Muqdisho oo Danjiraha Turkiga kala hadlay Xoojinta Taageerada G. Banaadir

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya H.E. Olgan Baker oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan horumarinta gobolka Benaadir.

Eng. Yarisow ayaa marka hore uga mahadceliyey Safiirka doorka ay Turkiga ka cayaarto Soomaaliya oo uu sheegay in xiriirka labada dal ka dhexeeya uu tusaale cad u yahay taageerada aan shuruudu ku xirnayn. Wuxuuna xusay in shacabka ku dhaqan Muqdisho ay si weyn uga dharagsan yihiin gacan siinta walaaltinimo ee Turkiya.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya sidii ay dib ugu soo kaban lahayd oo ay xasilooni iyo horumar u heli lahayd , sidoo kale waxaa ay muhiim u tahay in labada dal ay iska kaashadaan dib-u-soo nooleynta adeegyadii guud”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Ugu dambeyn, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya H.E. Olgan Baker ayaa dhankiisa balan-qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay inuu kala shaqeynayo maamulka cusub ee gobolka Benaadir dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.

PUNTLAND POST