Madaxweynaha Somalia oo Dalka dib ugu soo laabtay kadib Shirkii Ururka Midowga Afrika

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu ka qeybgalay Shir-Madaxeedkii 30-aad ee Midowga Afrika, oo shalay lagu soo gabogabeeyey magaaladda Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Addis Ababa waxa uu si gaar ah ula kulmay Madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo ka qeybgalayaal Caalami ah, waxa ayna ka wada hadleen danaha kala dhexeeya Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Wafdiga Madaxweynuhu markii ay kusoo laabteen dalka, waxaa warfidiyeennada la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad, waxa uuna sheegay in Madaxweynaha oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Magaaladda Addis Ababa, shirarkii uu ka qeyb galay dhammaantood ay miro-dhaleen.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynuhu dhowr khudbadood oo muhiim ah ka jeediyey inta uu socday Shir-madaxeedka 30-aad ee Midowga Afrika, waxa uuna intaas ku daray in Madaxweyne Farmaajo u caddeeyey Madaxda Afrika in Soomaaliya ay dagaal kula jirto Musuqmaasuqa, isaga oo Madaxweynuhu tusaale usoo qaatay xeerka la dagaallanka Musuqmaasuqa ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen.


Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Addis Ababa la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres iyo Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayey Mudane Stefano Manservisi oo ah Madaxa Iskaashiga caalamiga iyo Horumarinta.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Shir-doceedyo la qaatay Madaxweynaha Jabbuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Mudane Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha Ugaandha Mudane Yoweri Museveni, Madaxweyne Ku-xigeenka koowaad ee Burundi Mudane Gaston Sindimwo, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha Kiiniya Mudane Uhuru Kenyatta.

PUNTLAND POST