Kismayo: Hooy ay daganyihiin Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo la weeraray

Ciidamadda Nabad Sugida Maamulka Jubbaland ayaa xalay weerar ku qaaday Hooy ay magaaladaasi ka daganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Ciidamadda ayaa weeraray Hooy ay ku sugnaayeen Xildhibaan Axmed Cumar Taajir  oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka maamulka Jubbaland iyo sidoo kale gudoomiyaha Degmadda  Kismaayo Tima Jilic.

Sida ay inoo sheegeen dadka Magaaladda Kismaayo Ciidamadda ayaa saacaddo kooban xayiraad saaray masuuliyinta ka tirsan maamulka Jubbaland, waxaana rasaas laga maqlay Hoyga mas’uuliyiinta.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa in la weeraro masuuliyiintaan ka tirsan Jubbaland mana jirto wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay Maamulka Jubbaland oo ay arintaan uga hadlayaan.

PUNTLAND POST