Haweeneey Seeygeeda Tooreey ku Dishay Sh/Dhexe

Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa ka dhacay Fal aad looga naxay kadib markii haweeneey ay ninkeeda Dishay.

Haweeneeydaan ayaa dilka Seeygeeda u adeegsatay Tooreey sida dadka deegaanka ay Puntland Post u sheegeen.

Dhacdadaan ayaa waxa ay ka dhacday Tuulo lagu magacaabo Caadleey oo Hoostagta Degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe.

Mid kamid ah Dadka Deegaanka ayaa sheegay in in Haweeneeydaan Ay Seeygeeda Tooreey dhowr jeer Xaga sare ee jirkiisa kaga dhufatay sidaasna uu u geeriyooday.

Qofkaasi ayaa sheegay in haweeneeydaasi ay maseersaneyd islamarkaasina uu jiray khilaaf baahsan oo iyada iyo ninkeeda u dhaxeeyay.

Dalka Soomaaliya ayaa waxa ka dhaca Dilalka ku saleeysan Maseerka oo ay haweenka u geeystaan Seeygooda.

Hoos ka Dhageyso Codka Goobjoogaha

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post-Muqdisho