Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Mas’uuliyiin kala duwan

Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku magacaabay 11 xubnood oo isugu jira guddoomiyeyaal gobol, afhayeen iyo mas’uuliyiin kale.

Biixi ayaa sheegay in xunahan uu magacaabay uu kusoo xusay kartidooda iyo waaya-aragnimadooda, waxaana mas’uuliyiintan ay bedelayaan kuwii shaqooyinka loo magacaabay kaga horreeyay.

Haddaba, Akhriso magacyada xubnaha uu Madaxweynaha Somailand maanta magacaabay, kuwaasoo kala ah;

  1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf (Tiim-baro), Guddoomiyaha Gobolka Sanaag
  2. Xamse Maxamed Cabdi Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer
  3. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
  4. C/raxmaan Axmed Cali Muuse, Guddoomiyaha Gobolka Awdal
  5. axamuud Cali Saleebaan Ramaax, Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
  6. Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim, Guddoomiyaha Gobolka Hawd
  7. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale, Guddoomiyaha Gobolka Saraar
  8. Mawliid Maxamed Nuur Warsame, Guddoomiyaha Gobolka Salal
  9. Maxamuud Warsame Jaamac Cali, Afhayeenka Madaxweynaha
  10. Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamuud La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada
  11. Khadar Sh. C/llaahi Sh. Cali Jawhar Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Sidoo kale, Wareegtada ayaa lagu sheegay  in guddoomiyeyaasha Gobollada Saaxil, Sool, Badhan, Daad-madheed, Buuhoodle iyo Xaysimo ay xilalka sii haynayaan Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta xilka wareejinaya waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen Waajibaadka muddadii ay Xilalka hayeen.

PUNTLAND POST