Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la kulmay guddoomiyeyaasha Baarlamaanada labada gole ee Dalka Nigeria

Waftiga uu hor kacayo guddoomiyaha Baaarlamaanka Puntland eek u sugan dalka Nigeria ayaa kulamo muhim ah kula yeeshay xarunta Baarlamaanka dalkaasi xubno ka kooban labada gole ee Baarlamaanka dalkaasi Nigeria ee magaceeda loosoo gaabiyo NASS (National Assembly) iyo Aqalka Sare (The Senate).

Ujeedada kulamadaan dhexmaray Baarlamaanka Puntland iyo Baarlamaanka Nigeria ayaa ahaa aqoon is weydaarsi maadaama labada waddan ee Soomaaliya iyo Nigeria ay yihiin labo waddan oo ku shaqeeya hannaanka Federaalismka.

Xog-hayaha guud ee Baarlamaanka Nigeria ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland uga warbixiyey sida ay u wada shaqeeyaan Baarlamaanka Qaranka Nigeria iyo Baarlamaanada maamullada gobollada dalkaasi, taas oo Puntland ay doonayso inay khibrad iyo waayo aragnimo xeeldheer ka dhaxasho maadaama ay tahay hooyada Federaalka Soomaaliya.

Waftiga Puntland ayaa ka qayb galay kulanka Aqalka saree e dalkaasi oo ay ka socotey dood adag oo ku saabsan Miisaaniyadda dalkaasi ayaa guddoomiyaha aqalka sare waxa uu madasha shirka kaga dhawaaqay in ay kulanka Baarlamaanka kasoo qayb galay waftiga ka socda Baarlamaanka Puntland ee Soomaaliyeed si loogu istaago loona soo dhoweeyo.

Sidoo kale waftiga Baarlamaanka Puntland ayaa waxay ka qayb galeen kulankii caadiga ahaa ee golaha shacabka dalkaasi oo isagana ay ka socotey dood ku saabsan hannaanka horumarinta waddoonyinka iyo garoomada dalkaasi, iyadoo isla markiiba kulanka hakad loo geliyey si loosoo dhoweeyey Waftiga Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo waftigiisa ayaa muddaddii ay doodu socotey waxay si weyn ula socdeen hannaanka doodad Baarlamaanka Federaalka  ee dalkaasi oo ah mid Qarniyo badan kusoo naaloonayey nabad, dawladnimo iyo kala dambayn.

Golaha Saree e dalkaasi ayaa ka kooban 108 xubnood oo saddex xubnood oo walba ay metelaan mid kamid ah 36-da maamul goboleed ee ay ka koobantahay Jamhuuriyadda Federaaliga ee Nigeria, halka golaha shacabka ee dalkaasina uu ka kooban yahay 360 xubnood oo laga soo doorto dhammaan gobollada dalkaasi, taas oo la micno ah in ay metelaan 190-ka Milyan ee uu ka koobanyahay shacabka dalkaasi.

 

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????