Baarlamaanka Puntland oo kulamo la qaatay Baarlamaanka Nigeria

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi iyo Wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan hawlo shaqo u jooga Dalka Nigeria ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la qaatay xubno kamid ah Madaxda sare ee dalkaasi iyo Madaxa hay’adda UNDP ee dalka Nigeria.

Guddoomiyaha ayaa ugu horrayn kulan la qaatay Madax ugu sarreeya UNDP ee dalkaasi  Dr. Samuel Bwalya ee Dalka Nigeria iyo kuxigeenkiisa iyagoona guddoomiyaha u soo bandhigay soojeedin ama (Presentation) ay kusoo bandhigayaan waxyaaba ay ka taageeraaan Baarlamaanka Nigeria iyo waxyaaba ay kabaran karaan Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha iyo madaxda sare ee UNDP waxay si gaar ah u lafo gureen sidii dhaqso loogu hirgelin lahaa Mac-hadka tababarka iyo  daraasaadka Baarlamaanka Puntland kaas oo wax badan ka beddeli kara dar-dargelinta shaqada iyo kobcinta aqoonka Baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa kulamo la qaatay xubno ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi gaar ahaa guddoomiyayaasha guddiyada Anshaxa iyo Habdhwrka iyo guddiga Maaliyadda golaha shacabka dalkaasi Hon. Dr Ossai iyo Hon. Dr Ita Enang oo muddo 20-sanno ah kusoo jirey baarlamaanka dalkaasi.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sameeyo xiriir wanaagsan oo u dhexeeya guddiyada kala duwan ee labada Baarlamaan si laysu weydaarsado khibrad iyo waayo aragnimo kala duwan maadaama labada dhinac mid waliba uu kusoo shaqeeyey xaalado kala duwan.

PUNTLAND POST