Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo Tababar uga furmay Garoowe

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland ayaa magaalada Garoowe Tababar uga furtay Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland, tababarkaas oo lagu qabtay Jaamacadda Puntland State University (PSU).

Shaqaalahaan tababarka loo furay ayaa isugu jirey Madaxqaybeedyo iyo Agaasime waaxeedo kuwaas oo tiradoodu kor u dhaafayso 180 qof isla markaana ka kala hawl-gala xarumaha dawladda ee dhammaan gobollada Puntland.

Tababarkaasi oo socon doono muddo 10 beri ah isla markaana waxa uu ka koobnaan doonaa labo qaybood oo kala ah in shaqaalaha la siiyo tababar sare advanced Training oo la xiriira shaqooyinka ay hayaan iyo qaybta dambe oo ah shaqaalah loo tababaro hab macallinnimo ama ToT .

Ujeedadada ka dambaysa in shaqaalaha loo tababaro hab-macallinimo ama tababareyaala ah in laga maarmo tababareyaasha laga keenayo dalka dibaddiisa oo ay shaqaalaha dawladdu noqdaan kuwo iyagu dhinac walba isaga filan.

Waxaana bixin doona tababarka khuburo isugu jirta Soomaali iyo Ajaanib kuwaas oo ay qayb ka yihiin Macallimiinta Jaamacadda PSU, iyadoona shaqaalaha tababarka loo qabanayo ay ka kooban yihiin boosaska HR, Finance, Procurement, M&E, ICT iyo Policy Planning and Research ee dhammaan xarumaha kala duwan ee dawladda.

Shaqalahaan ayaa marka uu tababarku u dhammaado waxaa laga xulan doonaa koox walba lix qof oo iyagu noqonaya tababareyaasha mustaqbalka tababari doona shaqaalah dawladda iyagoona si weyn loogu diyaarin doono muddada uu tababarkaani socon doono inay  tababareyaal kasoo bixi kara shaqada ay dawladdu ka sugeyso.