Kulan ku saabsan xeerka maareynta dhulka oo lagu qabtey Gaalkacyo

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabatay shir ku saabsan wada tashiga xeerka maareynta dhulka magaalooyinka,waxaana ka qeybgalay dhamaan xaafadaha magaalada,Dowlada hoose,Laamaha Amniga, Nabadoonada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Shirkaan oo ay goobjoog u ahaayeen khuburo isugu jira masuuliyiin xilal horey uga soo qabtey Dowladda Puntland sida Madaxweyne kuxigeenkii horre Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab,Saraakiil ka socota hay,addaha bahwadaagta la ah Wasaaradda iyo Injineero ayaa lagu gorfeeyay xeer maareynta dhulka magaalooyinka Puntland iyo Sidii loogu nashqadeyn lahaa magaalada wadooyin  waaweyn.

Injineer Cabdulaahi Maxamed Wacane oo ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Puntland ayaa sheegay  kulankani inuu daba socdo shirar horey Wasaaraddu ugu qabatey magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda Puntland ee magaalada Garowe, wuxuuna sheegay qorshaha mustaqbalka dhaw inuu yahay taabogalinta barnaamijkan oo wax weyn ka tari doona nidaamka magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Dhinaca kale waxaa ka hadlay shirkaan, Masuuliyiin ka socda Dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo, Qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka iyo Siyaasiin horey xilal uga soo qabtey Xukuumadda Puntland, kuwaas oo dhamaantood sharaxay muhiimiyadda barnaamijkani uu u leeyahay dadka iyo dalkaba.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST