Ilo Xog-ogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta Puntland Post xafiiskeeda Warqabadka ee Muqdisho in Ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre uu qorsheynayo isku shaandheeyn uu ku sameeyo Golihiisa wasiirada.
Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa buuxinaya xilal wasiir oo banaan kuwaasi oo ay iska casileen wasiiradii ku magacownaa.
Sidoo kale Xogtaan ayaa waxa ay sheegeeysaa in Ra’iisil wasaare Kheyre uu xilalka ka qaadayo wasiiro hadda shaqeeyo kuwa kalena magacaabayo.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa wasiirka Warfaafinta u magacaabaya Wasiir Maareeye oo ah Wasiirka Ganacsiga.
Wasiirka Ganacsiga ayaa lagu badali doono Wasiir Isloow oo ah Wasiirka Amniga halka wasiirka Amnigana loo magacaabi doono Tuuryare oo horay u soo noqday Taliyaha Nabadsugida.
Waxaa laga yaabaa in isbadal uu ku yimaado xubnahaasi la isku shaandheynayo hayeeshee xogtaan waa mid aan ka soo xiganay xubno Xog-ogaal ah.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho