Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay colaada Tukaraq

Hargeysa (PP) ─ Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; Nabad-gelyada, dhaqaalaha, xiisadda ka taagan deegaanka Tuka-raq iyo arrimo kale.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlaayay Xiisadda ka taagan deegaanka Tuka-raq ayaa sheegay in Somaliland aanay ku xad-gudbin Soomaaliya ee dhulkooda qayb ka mid ah ay tageen ciidanka Somaliland, dhibaato kalena aysan jirin.

“Beesha Caalamka waxaan u sheegayaa in aanan ku xud-gudbin Soomaaliya,” ayuu yiri Muuse Biixi oo intaas ku daray. “Ciidamadeenu waxay tageen qayb ka mdi ah dhulkeenna, mana jirto xad-gudub ay sameeyeen.”

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inaysan jirin cid uu xal u yahay dagaal, gaar ahaan Somaliland iyo Soomaaliya. Wuxuuna yiri” in aanu maanta cid la dagaalno dani noogu jirto, Soomaaliya iyo Somaliland maanta cid uu dagaalku xal u yahay ma jirto.”

Madaxwaynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray inuu waajib ka saaran yahay inay sugaan amniga xuduudahooda, isla markaana ay taas diyaar u yihiin, isagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay joojiyaan wuxuu ugu yeeray qaska ay ka waddo qaar ka mid deegaannada Somaliland.

Dhanka kale, Mar ay warbaahintu waydsiisay wadahadallo la sheegay inuu khadka Taleefoonka kula yeeshay madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay in aanay toos u wada-hadlin, balse loo kala dab-qaaday. Isagoo ka gaabsaday inuu bixiyo tafaasiil intaas ka badan.

Waxaa kaloo Muuse Biixi Cabdi la weydiiyay hadalkii Wasiirkiisa Warfaafinta ee ahaa inaanay mas’uuliyiinta Dowladdu la hadli doonin warbaahinta gaarka loo leeyahay, ayuu sheegay inay iyagu dowlad ahaan u baahan yihiin War-baahinta madaxa-bannaan.

Ugu dambeyn, Hadalladan kasoo yeeray Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisado ba’ani ka taagan yihiin deegaanka Tuko-raq oo ay isku haystaan Puntland iyo Somaliland, Waana markii ugu horreysay oo madaxwayne Biixi uu shir jaraa’id qabto tan iyo markii xilka loo dhaariyay.

PUNTLAND POST