Shirka dib u eegista waxbarashada Puntland oo maanta furmay

Shirweynaha 4aad ee dib u eegista waxbarashada Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe waxaana ka qeybgalay wafuud ka socota Dowladda Federalka Soomaaliya, Maamulladda dalka, Hay,addaha bahwadaagta la ah Wasaaradda iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo daahfurtey shirka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa ugu horeyn madasha shirku ka furmay kasoo jeediyay waxqabadka Wasaaradda Waxbarashada Puntland sanadkii lasoo dhaafey, wuxuuna sheegay inay wax badan u qabsoomeen sidoo kalena wax badan ay weli qabyo yihiin.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadka madasha ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Maxamed Cali oo sheegay inay wada shaqeyn dhaw la wadaagaan Wasaaradaha Waxbarashada Maamulladda ka jra dalka, Isagoona carabka ku dhuftey inay ku mideysan yihiin imtixaanka shahaadiga ee fasalka 4aad ee dugsiga sare marka laga reebo Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Prof Abshir Awyuusuf Ciise ayaa sheegay in sanadkii tagey 2017 Wasaaradiisu dardar galisay %60 qodobadii kasoo baxay shiweynihii 3aad , Islamarkaana inta ka dhiman sanadka 2018 ay rajaynayaan inay dhamaystiraan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST