Xiisada Tukaraq iyo diyaar garowga dagaal ee labada dhinac oo maraysa meeshii u danbaysay

Puntland iyo Somaliland ayaa ciidamadii ugu badnaa kusoo daabulay gobalka Sool gaar’ahaan duleedka tuulada Tukaraq oo ay xiisad dagaal ka qaraxday 08-Janaayo-2018 markii ay halkaas iska hor-imaad kooban kula wareegeen ciidamada Somaliland.

Tukaraq oo horay u ahayd saldhiga u weyn ee Puntland ku leedahay gobalka Sool ayaa tan iyo markii ay la wareegtay Somaliland waxaa ka aloosnaa xiisadii ugu cuslayd, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa ku dhaawaqay dagaal ay Puntland isaga difaacayso wuxuu ugu yeeray duulaanka Hargeysa, sidoo kale maamulka Soomaaliland ayaa sheegay inay gaarayaan xaduudkooda oo ay u arkaan inay tahay meel aan sidaa uga fogeyn caasimada Puntland ee Garowe, waxayna tan iyo xiligaas labada dhanba boqolaal ciidana oo si aada u hubaysan ku daabulaayeen degaanadaas.

Wararka aan ka helayno jiidaha ay isku hor fadhiyaan labada dhan ayaa sheegaya inay ciidamadu isku muuqdaan xili walbana la filan karo dagaal ka qarxa degaanadaas.

Ma jirto haba hayaraate wax waan-waan nabadeeda oo laga dhex wado labada dhan, waxayna wararka ay helayso PUNTLAND POST sheegayaan inay guuldaraysteen xal nabadeed oo ay wadeen xubno kasocda qaramada midoobay iyo Dawladaha deriska markii ay Somaliland ka dhega adaygtay inay ciidamadooda kala noqdaan degaanka Tukaraq oo ay maalmo kahor la wareegeen.

Sidoo kale odayaasha iyo Isimada Gobalka Sool ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan degaanadaas inay iska diifaacaan duulaanka Somaliland.

Marka la eego inaysan jirin xal nabadeed oo laga dhex wado dhinacyada isku hor fadhiya Tukaraq, Ciidamada lagu soo daabulaayo iyo hanjabaadaha culus ee hawada la isku marinaayo waxay u muuqataa inaan laga fursan doonin collaad ka qaraxda gobalka Sool.

PUNTLAND POST