Madaxweynaha Farmaajo oo xarigga ka jaray guriga cusub ee shirkadda Golis (Golis Tower)

Bosaso[Puntland Post]-Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray guriga cusub ee shirkadda Golis isagoo ay weheliyaan madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo xubno kamid ah labada gole ee dawladda Federaalka iyo Puntland.

Xafladda xarigga looga jarayay gurigan oo loo dhisay hab casri ah kana kooban 7 dabaq ayaa ka dhacday hoolkiisa xafladaha oo ku yaala dabaqa 5-naad waxana kasoo qayb galay marka laga yimaado masuuliyiinta ugu saraysa Soomaaliya iyo Puntland, ganacsato, culimaa’udiin, isimo aqoonyahano, iyo masuuliyiinta ugu saraysa shirkadda isgaarsiinta Golis.

Maareeyaha guud ee shirkadda Golis Saciid Aadam Axmed ayaa ugu horayn kusoo dhaweeyay wafdiga madaxwaynaha Soomaaliya iyo madaxwaynaha Puntland guriga cusub ee ay dhisatay shirkadda Golis isagoo sheegay in maraaxil kala duwan laga soo maray hirgalinta dhismahan casriga ah oo ka kooban qaybo badan oo muhiim ah, waxa uuna sidoo kale xusay in sidoo kale shirkadda Golis ay si mugleh u garab istaagto bulshada xiliyada adag.

Gudoomiye ku xigeenka board-ka shirkadda Golis Luqmaan Xaaji Maxamuud ayaa isaguna xusay in dhismaha gurigan cusub iyo hirgalinta mashruuca internetka xawaaraha sare ee Fiber optica oo isagana madaxwaynuhu daahfuray ay tusaale cad u yihiin sida ay dhab uga tahay shirkadda Golis horumarinta bulshadeeda.

Madaxwaynaha dawladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo lagu soo dhaweeyay goobta khudbadaha ayaa ku amaanay shirkadda Golis hirgalinta gurigan casriga ah oo uu xusay noociisa uu ku arki jiray wadamada horumaray waxa uuna sidoo kale bogaadiyay dowrka ay shirkadda Golis ka qaadato hawlaha guud iyo taakulaynta xiliyada masuubooyinka.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo ugu dambayn soo xiray munaasabadda ayaa sheegay in shirkadda Golis ay mudantahay in lagu bogaadiyo geesinimada ay ku hirgalisay dhismahan oo uu xusay in dhaqaale badan la galiyay.

“Runtii guryaha noocan ah laguma dhisi karo jeeb shirkadeed balse waxaa lagu kaabaa daymo lkn shirkadda golis waxay u bareertay inay deegaanka ka hirgaliso waana mid mudan in lagu amaano” ayuu yiri madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Gurigan cusub oo noociisa aan horay looga dhisin deegaanada Puntland kana kooban 7-dabaq ayaa dhisimihiisu socday mudo sanado ah waxana loo dhisay loona qalabeeyay hab casri ah uu bilic iyo horumarba kusoo kordhiyay deegaanada Puntland.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso