Faah Faahin: Gudoomiyaha doorashooyinka oo Dhuusamareeb Lagu Xiray

Faah Faahin Dheeraad ah ayaa ka soo baxeeysa xarig Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud loogu geeystay Xaliima Ismaaciil (Xalima Yareey) oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Ilo Lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa u sheegay Warbaahinta Puntland Post in Xaliimo yareey iyo ku dhowaad 10 ruux oo kamid ah Guddiga Doorashooyinka Xabsiga Dhuusamareeb lagu xiray.

Xarigaasi ayaa waxaa geeystay Maamulka Ahlusunno ee ka taliya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud ee Baratamaha Dhulka Soomaaliya.

Xiliga la xirayay Xaliimo Yareey ayaa gaadiid iyada Galbinayay oo ka soo kicitimay Guriceel ay soo galayeen Gudaha Magaalada Dhuusamareeb hayeeshee Koontoroolka laga soo galo Magaalada Dhuusamareeb ayaa iyaga iyo wafdigeeda lagu xiray.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xaliimo yareey Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Xabsi guri loogu dhigay Magaalada Dhuusamareeb.

Odoyaal ayaa ku hoowlan sidii xuriyadeeda dib ay ugu heli laheyd Xaliimo yariiseey.

Lama oga sababta ka dambeeysa Xariga Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo yareey loogu geeystay Magaalada Dhuusamareeb hayeeshee Socdaalkaan ay dooneeysay in ay Dhuusamareeb ku tagto ayaa kamid ahaa socdaalo ay ku tageeysay Maamul Goboleedyada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho