Muwaadiniinta Turkiga oo looga digay inay u safraan Mareykanka, Maxay tahay Sababta?

Ankara (PP) ─ Xukuumadda Turkiga ayaa uga digtay shacabkeeda inay ka taxadaraan safarrada ay ku aadayaan dalka Mareykanka sababo la xiriira dhanka amniga, sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Bayaan maanta oo Jimco ah ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay kordheen cabsida iyo walaaca laga qabo weerarro argagaxiso ee Mareyaknka iyo xarig sharci-darro ah oo lagula kaco Turkida iyo saaxiibbadooda galbeedka.

“Waxaanu ogaanay inay kordheen khatartaha weerarrada argagaxiso ee la filan karo inay ka dhacaan Mareykanka,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaanka ay soo saartay, iyadoo intaas ku dartay inay jireen dilal dhawr ah oo dalka Mareykanka ka dhacay dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, waxaa bayaanka lagu yiri. “Waxaa jira weerarro loo adeegsado gaadiidka oo dad badan lagu laayo, weerarro toos ah iyo kuwo bambooyin loo adeegsado iyo in la beegsado goobaha ay dadku isugu tagaan; kuwaas oo ay ka mid yihiin; faras-magaalaha, goobaha dalxiiska, maxadooyinka ay tareennadu ka baxaan, dhismayaasha waaweyn, goobaha cibaada iyo sidoo kale iskuullada.”

Wasaaradda ayaa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhacay waxay ka xustay weerarkii xarunta jaamacadda Ohio, Masjidka Dar Al-Faruq oo Minnesota ku yaalla, Kaniisad ku taalla gobolka Texas iyo weerar lagu qaaday bishii lasoo dhaafay xarun tareen oo ku taalla New York.

Dhanka kale, Wasaaradda ayaa ka digtay xarigga aan sharciga ahayn ee loo geysto muwaadiniinta iyo shaqaalaha Dowladda Turkiga ee safarrada kala duwan ku aadan dalka Mareykanka.

Ugu dambeyn, Digniintan kasoo baxday dowladda Turkiga ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli Arbacadii lasoo dhaafay ay Xukuumadda Washington kasoo saartay dingiin safar oo ku aaddan dalal uu Turkiga ka mid yahay, kuwaasoo ay sheegeen inay ka jiraan khatarro dhanka ammaanka ah, waxaana ka mid ah dalalkaan; Sudan, Pakistan and Guatemala.

PUNTLAND POST