Madaxweyne Farmaajo oo Maanta la kulmaya Bulshada Boosaaso.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed(Farmaajo) oo shalay gaaray magaalada Boosaaso ayaa Maanta la kulmaya qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan ardayda jaamacadaha sidoo kalena wuxuu booqan doona xarumo muhiim ah oo magaaladaasi ku yaalla.

Madaxweyne Farmaajo ayaa warbixinno ka dhegaysan doona mas’uuliyiinta goobaha uu booqan doono,waxaana la filayaa in uu hadal ka jeediyo xarumaha uu soo kormeerayo,inkastoo aan la ogayn qodobada uu si gaar ah uga hadli doono.

Dhanka kale Iyadoo Mudane.Farmaajo uu weli ku guda jiro booqasho uu ku tagayo degaannada kala duwan oo ay kamid tahay Puntland,ayaa waxaa lafilayaa in uu maalmaha soo soo socda diyaarad u raaco dhinaca magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,isagoo uga sii gudbi doona dhinaca degmada Cadaado ee Galmudug.

Qaban qaabo ku aadan soo dhoweynta wefdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado,waxaana waddooyinka lagu xardhay sawiradiisa iyo Calanka Soomaaliya.

Ammaanka magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado oo uu booqan doono madaxweynaha ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo ciidamada ammaanku ay heegan ballaaran ku jiraan

PUNTLANDPOST