Puntland oo u diyaar-garoobeysa dagaal ka dhan ah Somaliland

Xukuumadda Puntland ayaa diyaargarow ugu jirta difaaca xuduudkeeda iyo dib usoo celinta kastamkii Tuko raq oo ay shalay la wareegeen gacan ku hayntiisa ciidamo ka amar qaadanaya maamulka Somaliland, waxaana ka socda magaalada Garowe abaabul iyo shirar looga arrinsanayo jawaabta Puntland ka bixin doonto duulaankii shalay ciidamada Somaliland.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa saacadihii lasoo dhaafey mar kale dib u furey isu socodka Puntland iyo Somaliland ka dib amar uu ku xanibay maalintii shalay, waxaana lagu sababeeyay dib u furida wadada isku xirta Garowe iyo Hargeysa in ujeedadii laga lahaa laga gaarey

Sidoo kale wararka laga helayo Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegaya Madaxweynaha Puntland inuu magacaabay saddex guddi oo ka shaqeynaya diyaargarow Puntland ugu jirto difaaca xuduudaheeda, waxayna sheegayaan warar dheeraad ah oo soo gaaraya warbaahinta PUNTLAND POST in maalinta beri ah loo balamay shir dhexmari doona maamulka iyo qeybaha bulshada ee jooga magaalada Garowe.

Dhinaca kale ilo wareedyo laga helayo qaar ka mid ah gollaha xukuumadda Puntland ayaa sheegaya inay dib u dhigtey Puntland qorshayaashii ay  damacsanayd in looga jawaabo weerarkii shalay uga yimid maamulka Somaliland tan iyo inta uu dib ugu noqonayo Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maalintii saddexaad ku sugan magaalada Garowe.

Isku soo wada duuboo hadal haynta ugu badan ee shacabka Puntland waxay ku qotontaa dhaq dhaqaaqa ciidan ee Somaliland ka wado deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST