Madaxweyne Farmaajo oo goordhow u duulaya Garoowe

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow ku Wajahan Magaalada Garoowe.

Diyaarada sida Madaxweyne Farmaajo ayaa goordhow ka duuli doonto garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho.

Qaban Qaabadii ugu dambeeysay ee lagu soo dhoweeynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socoto magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Waxaa Garoonka Cusub ee Garoowe oo Diyaarada Madaxweynaha ay noqon doonto tii ugu horeeysay ee ka soo dagata tan iyo markii dib u dhiska lagu sameeyay ayaa waxaa ku soo dhoweeyn doono madaxda Puntland iyo shacb boqolaal dadweyne ah.

Waxaa Madaxweynaha soo dhoweeyn doono Madaxweyne Dr-C/wali Maxamed Cali Gaas,Ku Xigeenkiisa C/xakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar (Camey),Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Puntland.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo dib ugala soco Puntland Post

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho