Kooxo hubeysan oo Koonfurta Dalka Senegal ku dilay 13-ruux – Tiro kalena ku dhaawacay


Dakar (PP) ─
Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay ugu yaraan 13-qof, halka toddoba kalena ay ku dhaawaceen Sabtidii shalay gobol ku yaalla Koonfurta dalka Senegal oo lagu magacaabo Casamance.

Afhayeenka millateriga Senegal Abdoul Ndiaye ayaa warbaahinta u sheegay inaan la garanayn kooxaha weerarka ka dambeeyay cid ay xiriir la lahaayeen iyo halka ay ka yimaadeen, balse wuxuu sheegay in dadkan la dilay xilli ay ku sugnaayeen dhul kayn ah oo ku yaalla gobolka mashaqadu ka dhacday.

“Dadkaan la laayay iyo kuwa la dhaawacay ayaa ahaa Dad shacab ah oo ku hawlanaa xilliga dhibaatada loo geysanayay dhirta alwaaxda laga sameeyo, waxayna ku sugnaayeen degmada Borofaye oo qiyaastii 10-km u jirta xadka aan la wadaagno dalka (Guinea Bissau,” ayuu yiri Abdoul Ndiaye.

Gobolka uu shilkani ka dhacay ayaa xarun u ahaa jabhad gooni-u-goosad ah oo la aasaasay sannadkii 1982-kii, taasoo ahayd mid u Dagallaamaysay sidii ay madax-bannaani u heli lahayeen Gobollada Waqooyiga Senegal.

Jabhadan oo lagu magacaabo dhaq-dhaqaaqa dimuquraadiyadda Casamance (MDFC) ayaa xilliyadii dambe ka hawl-galaysay Gobolada Koonfurta Senegal, iyagoo u gudba mararka qaarkood waqoooyiga dalka Gambia.

Dhanka kale, Kooxdan ayaa sannadkii 2014-kii waxay heshiis xabad-jooji ah la galeen dowladda Senegal, iyagoo tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyay aan fulin wax weerarro ah oo ay kaga soo horjeedaan xukuumadda Dakar.

Ugu dambeyn, Weerarkan khasaaraha nafeed sababay ayaa imaanaya xilli uu madaxweynaha Senegal, Macky Sall ku sheegay khudbaddiisii sannadka cusub in mucaaradka wadahadallo lala galayo si loo helo nabad waarta oo ka hir-gasha dalkiisa.

PUNTLAND POST