Garoowe oo la ciirciireysa Wafuud Farmaajo doon ah

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagey Puntland ayaa dad badan u arkeen fursad ay kula kulmi karaan islamarkaana ugala hadli karaan danahooda, waxayna iminka la ciirciireysaa magaalada Garowe marti kala duwan oo ka kala timid Gobolladda Banaadir,Geddo,Galgaduud,Sool iyo Deegaano kale oo ka baxsan Soomaaliya .

Warar madax banaan oo ay heshay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegaya jiritaanka wafuud maalmo uga soo horeeyay Madaxweynaha magaalada Garowe kuwaas oo isugu jira Siyaasiin,Ganacsato,Issimo iyo Xildbhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Dadka yimid waxaa ka mid ah Odoyaal,Issimo iyo Siyaasiin kasoo jeeda Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle oo xogo hoose oo la helayo sheegayaan inay qaarkood ka mid yihiin xubno sar sare oo madax kasoo noqday maamulkii burburey oo uu hogaamin jirey Dr Cali Khaliif Galeyr (Khaatumo).

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa  u sheegay Warbaahinta PUNTLAND POST inay isu diyaarinayaan sidey ugala hadli lahaayeen Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya qorshe siyaasadeed oo ay muddo dheer ka dhursugayeen inay mar uun kala hadlaan.

Dhinaca kale waxaa iyana xusul duub ugu jira la kulanka Madaxweyne Farmaajo mudada uu joogo Puntland wafuud ka timid Gobolka Galgaduud,kuwaas oo wararka soo baxaya sheegayaan inay u suurtoobi wayday marar sii horeysay  in lagu qaabilo Qasriga Madaxtooyadda Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Si rasmiya looma oga doorka ay ka ciyaarayaan Madaxda Dowladda Puntland kulamada la quudareynayo Madaxweyne Farmaajo inuu la qaato martida u joogta Garowe wallow warar la isla dhexmarayo sheegayaan jiritaanka codsiyo loo gudbiyay Madaxtooyadda Puntland ka hor intii uusan imaan Farmaajo.

Imaanshaha Madaxweyne Farmaajo oo ahayd markii ugu horeysay oo uu yimaado Puntland intii uu kusoo biirey siyaasadda ayaa maanta si ka duwan madaxdii horre loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe taasoo  muujisay sidey u taageersan yihiin dadweynaha ku nool Puntland .

Garowe

PUNTLAND POST