Freedom oo noqotey diyaaradii ugu horeysay oo caga dhigatay Airport-ka Garowe.

Mid ka mid ah diyaaradaha Shirkadda FREEDOM Air ayaa noqotey diyaaradii ugu horeysay oo maanta soo caga dhigatay garoonka duyuuradaha cusub ee magaalada Garowe, ka dib duulimaad ay kaga soo qaadey magaalada Muqdisho wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo la filayo maalinta beri ah inuu xariga ka jaro garoonka diyaaradaha Garowe.

Freedom oo ahayd diyaaradii ugu horeysay oo sidey waftiga Madaxweynaha oo maanta soo caga dhigata Garoonka cusub ee magaalada Garowe, wuxuu sheegay maamulka shirkaddu inay duulimaadyo caalamiya ka bilaabi doonaan Garoonkan cusub.

Shirkadda Freedom ayaa horey duulimaadyo joogta ah oo lagu baahi baxay uga samayn jirtey Gobolladda Puntland iyo Guud ahaan dalka Soomaaliya.

Daawo Sawiradda Dheeraadka ah oo ku saabsan soo dhaweyntii maanta loo sameeyay Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST