Ducaale:-“Al-shabaab ayaa nagu qasbay dhismaha Derbiga Xuduudka Soomaliya iyo Kenya”

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ah Hogaamiyaha Aqlabiyada dalka Kenya ayaa hadlay darbiga Dowlada Kenya ay ka dhiseyso xadka Soomaaliya iyo kenya.

Xildhibaan Ducaale oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in darbigaasi Kenya ay ku qasabtay in ay dhistaan Al-Shabaab.

Waxa uu Sheegay in qatar Amni ay ka imaaneyso Al-Shabaab islamarkaasina Kenya ay amaankeeda adkeeneyso.

Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in haddii laga adkaado Al-Shabaab in dowlada Kenya ay joojin doonto dhismaha darbigaasi.

Dowlada Kenya ayaa wado dhismaha darbi ay ka dhiseyso xadka Soomaaliya iyo kenya waxaana dowlada Kenya lagu eedeeyay in ay ku soo xad gudubtay Xadka Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso Codka 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho