Ciidamada Jabuuti oo qarax lagu la eegtay Buulo Barde

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ee bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa ku waramaya in Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya qarax Miino lagu la eegtay duleedka Degmada Buulo Barde shalay oo Jimco aheyd.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay Askar ka tirsan Ciidamadaasi Jabuuti inkastoo aan si rasmi ah loo sheegin tirada guud ee ku dhimatay qaraxaasi.

Kadib markii uu dhacay qaraxaasi ayaa ciidamada Jabuuti Shalay ilaa xalay waxa ay wadeen howlgalo cuslus.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.

Ciidamada Jabuuti ayaa saakay sidoo kale ku faafay duleedka Degmada Buulo Barde halkaasi oo ay howlgalo ka wadaan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post