Al-shabaab oo toogasho u dishay dhalinyaro ay ku eedeysay Basaasnimo

Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa Degmada Kurtun-waarey ee Gobolka Shabellaha Hoose ku toogatay shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen jawaasiis.

Shantan qof ee la dilay ayaa waay ku kala eedeeyeen inay la shaqeynayeen, dowladda Somalia, ciidanka Itoobiya iyo ciidanka Kenya ee dalka ku sugan, kuwaasoo qayb ka ah hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Bishii lasoo dhaafay 24-keedii ayay sidoo kale Al-shabaab ku toogteen shan dhallinyaro ah deegaanka Iidaale ee Gobolka Bay, kuwaasoo ay sheegeen in ay ahaayeen basaasiin.

Ururka Al-shabaab ayaa shalay galab isugu yeeray dadka deegaanka fagaare ku yaalla Kurtun-waareey, halkaasoo ay u toogteen shanta dhallinyarad ah ee lagu eedeeyay inay jaajuusiin ahaayeen.

Shanta dhallinyarada ah ee Al-shabaab ayay magacyadoodu kala ahaayeen;

  1. C/qaadir Cumar Xasan oo 23-jir ahaa, laguna eedeeyay inuu si hoose ula shaqeynayay maamulka degmada Qoryooley.
  2. C/qaadir Shukri Xasan oo 30-jir ahaa, laguna eedeeyay inuu la shaqeynaayay sirdoonka Dowladda Federaalka Somalia.
  3. Muxamed Abshir Cali oo 35-jir ahaa, laguna eedeeyay inuu la shaqeynayay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.
  4. Cali Axmed Sheekh Cali oo 30-jir ahaa, waxaa lagu eedeeyay inuu isagana la shaqeynaayay sirdoonka Dowladda Soomaaliya.
  5. Cali Yuusuf Axmed oo loo yaqaano [Jacfar Dheere] oo 36-jir ahaa oo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay dowladda Kenya.

Ugu dambeyn, Dilkan ay Al-shabaab ku fulisay dhallinyaradan ayaa waxay noqonayaa dhallinyaro kale oo muddo bil gudaheed ay Al-shabaab ku disho deegaannada ay ka taliso, iyadoo ku eedeysa basaasnimo.

PUNTLAND POST