Wasiir Juxa oo Baled-Xaawo ka furaya Shirka dhismaha Golaha Deegaanka

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa oo gaaray Degmada Baled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa halkaasi ka furaya Shir ku saabsan sameeynta Gole deegaan oo degmadaasi ay yeelato.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in muhiim ay tahay in degmadaasi laga dhiso gole deegaan oo daboola baahiyaha kala duwan ee degmadaasi Baled-xaawo.

Shirkaasi oo maanta oo Talaado ah furmaya ayaa waxaa daah furaya Wasiir Juxa waxaana goobtaasi ku sugan masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland iyo Maamulka Degmada Baled-xaawo.

Wasiirka kama aanu hadlin xiisadihii baryihii ugu dambeeyay ka taagnaa degmada Baled-Xaawo oo ku aadanaa Dowlada Kenya oo soo xadgudubta xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Wafdiga wasiirka juxa ayaa isla maanta markii ay daah furaan shirkaasi dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhageeyso Codka 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post