R/W kheyre “intii yareyd oo Xukuumada ay Jirtay Hormar balaaran ayey ku tilaabsatay”

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre Ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay ku tilaabsatay xukuumadiisa muddadii yareyd ay jirtay.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ku guuleeystay in dhinacyada Amniga iyo hormarka ay ku tilaabsatay Xukuumadiisa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Dowlada ay bixisay mushaaraadkii ay xaqa ay u lahaayeen shaqaalaha Dowlada.

Waxa uu sheegay in sanadkan Xukuumada ay ku tilaabsan doonto hormar intaas ka badan isaga oo shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqay in ay taageeraan Dowlada.

Hoos ka dhageyso codka Ra’iisul wasaaraha

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho