Wararka laga helayo Degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in koox hubeeysan ay halkaasi ku toogatay Aabaha masuul katirsan Dowlada.
Kooxahaan hubeeysan ayaa toogtay Aabaha Col Xasan Cali Nuur Garyaqaan Shuute- Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda 1-aad ee Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya.
Kooxaha dilkaasi geeystay ayaa isaga baxsaday goobta ay ku dileen Aabaha dhalay Gudoomiyaha Darajada 1-aad ee Maxkmada ciidamada qalabka sida.
Ciidamo katirsan kuwa amaanka ayaa gaaray goobta dilkaasi uu ka dhacay kuwaasi oo halkaasi ka sameeyay howlgalo balaaran.
Falalka dilalka ah ayaa ka dhaca Degmooyinka Gobolka Banaadir ee caasimada Soomaaliya.
Faah Faahinta dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho