Warbixin:- Dhacdooyinkii ugu waaweynaa Soomaaliya sanadkii tagey 2017

Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee gudaha dalka soomaaliya sanadkii tagey ee 2017 ka dhacay ayaa isu jiray dhacdooyin siyaasadeed, weeraro iyo weliba dhacdooyin ay qaarkood adag tahay in si fudud loo ilaawo, oo ay kamid tahay Musiibadii Soobe.

Janaury 11, 2017 waxaa la dootray gudoonka Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya waxaana Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) loo doortay Gudoomiye, halka Gudoomiye ku xigeen loo dioortay Cabdiwali Ibraahim Muudey, sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad ayaa loo doortay Gudoomiye ku xigeenka labaad.

Janaury 22, 2017 waxaa sidoo kale la doortay gudoonka Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, waxaana Cabbdi Xaashi Cabdullahi loo doortay Gudoomiye, halka Gudoomiye ku xigeen loo dioortay Abshir Maxamed Maxamuud, waxayna noqotay markii ugu horeysay ee Soomaaliya yeelato Aqalka sare.

Janaury 25, 2017 Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhintay, 51 kalana waa ku dhaawacmeen weeraro ismiidaamin iyo toosba ah oo ay Al-shabaab ku weerareen Hotel  Dayax ee magaalda Muqdisho, dadkii ku dhawaacmay weeraradaas waxaa kamid ahaa Afar wariye oo u badnaa Sawir qaadayaal la shaqeeya Wakaalada Wararka Caalamka qaarkood.

Janaury 27, 2017 Al-shabaab ayaa weerar culus kuqaaday xeradii ciidamada Kenya ee AMISOM ku lahaayeen Degaanka Kulbiyow, degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose, waxayan sheegeen in ay ku dileen 57 Askari oo Kenyaan ah, halka dadka degaanka ay xaqiijiyay in A-lshabaab ay gebi ahaan la wareegeen xerada Kulbiyow ayna arkeen meydadka 29 milateriga Kenya la tirsan.

February 8, 2017 Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si wadajir ah Madaxweyne ugu doortay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kadib markii uu wareegii labaad ee Doorashadii helay 184 cod, halka madaxweynihii  hore Xasan Shiikh Maxamuud oo ku soo xigay uu helay 97 cod.

Madaxweyne Farmaajo oo isla xiligaas loo dhaariyay xilka Madaxweyne ayaa ballan-qaaday inuu cadaalad, sinnaan iyo maamul-wanaag ku hoggaamin doona Afarta sano ee la doortay, waxa uuna u mahad-celiyey Madaxweynaha tartanka kula jiray ee xilkiisu dhammaaday Xasan Shiikh Maxamuud, waxuuna sheegay in Xildhibaanadu muujiyeen rabitaankii Shacabka Soomaaliyeed.

Doorashada kadib Dabbaal-degyo ay Shacabka iyo Ciidammada ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ahaa Nin ay si weyn u taageeraan Shacabku iyo ciidamadu ayaa is qabsaday Goblada Soomaaliya, kuwaas oo soconayay mudo todobaad ah.

February 19, 2017 Inta la xaqiijiyay 30-ruux oo  shacab u badan ayaa ku dhintay kadib markii gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay Suuqa Kaawo Godeey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

February 23, 2017 Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Xasan Cali Kheyre oo ahaa Nin dhalinyaro ah oo ku cusub saaxada siyaasada u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

March 21, 2017 Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo koobnaa 26- Xubnood, 25 Wasiiro ah iyo Ra’iisul wasaare ku Xigeen .

April 1, 2017 Xildhibaan Aqalka hoose ee Barlamaanka Soomaliya ayaa codka kalsoonida siiyay xukuumadda Ra’isul wasaare  Xasan Cali Kheyre,Xukuumada ayaana si toos ah shaqadeeda u bilowday.

Apri 6, 2017  Dawladda Puntland iyo shirkadda DP World ee Wadanka Isutaga Imaraadka Carabta ayaa magaaladda Abu-dubai ku kala saxiixday heshiis 30 sanno ah oo lagu ballaarinayo laguna casriyaynayo Dekadda magaalada Boasaaso.

Heshiiska waxaa dhinaca Puntland u saxiixay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Dekadaha Siciid Maxamed Raage, halka dhinaca DP World uu usaxiixay Maamulaha shirkada DP World Sultaan Ahmed Bin Suleyman.

Lacagta lagu maalgalinayo Mashruucan ayaa qiimo ahaa dhan $336 milyan oo dollar (Saddex boqol iyo Sodon iyo Lix Milyan), iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ku bixinayso 200 milyan oo dollar, wajiga labaadna 136 milyan oo Doolar.

Heshiiska ayaa sidoo kale wuxuu dhigayaa in dhismaha Dekadda lagu dhamays tiri doono mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxiixay, wuxuuna socon doonaa muddo 30 sanadood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda heshiiska la saxiixay, sidoo kale DP World ayaa bixisay lacag dhan 15 Milyan oo hormarin ah, taas oo Puntland qaar kamid ah ku kabtay Kaabayaasha dhaqaalaha sida Garoonka Diyaaradaha Garowe iyo Wadda Ceel doohir iyo Ceerigaabo.

May 3, 2017 Waxaa xili Habeen ah dil toogasho ah lagu dilay Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabbaas Sheekh Cabdullaahi Siraaji, isagoo wata gaari nooca raaxada ah wuxuuna agmarayey madaxtooyada Soomaaliya,hal xabo ayaa muraayada hore ee gaariga looga soo dusiyey, waxaana falkaas geystay Askari ka tirsanaa ilaalada Hanti dhawrahii guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Gollaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo wax yar kadib falkaas isugu yimid shir aan caadi ahayn waxay xilkii ka qaadeen Hanti dhawrahii guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale oo ilaaladiisu ay dilka u geysatay Wasiir Cabaas

June 8,2017 Saldhig ay ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee buuraha Galgala ayaa waxaa weerar gaadmo ah ku soo qaaday ururka Al-shabaab ,waxaana halkaas ka dhacay dagaal khasaare ba’an geystay.

khasaaraha ka dhashay dagaalkaas Puntland iyo Al-shabaab ku dhex marey Af-urur wuxuu gaaray dhimashada in ka badan 60 oo isugu jira askar, saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland, dad shacab ah iyo maleeyishaad Ashabaab ah, sidoo kale waxaa halkaas lagu gubay tiro dhawr baabuur ah oo ay leeyihiin ciidanka Puntland.

June 15, 2017 Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badna waa ku dhaawacmeen Weerar isugu jira Qarax iyo rasaas Toos ah oo Al-shabaab ku qaaday makhaayadda BOSH oo ku taala Xafadda Banaadir Degmada Hodan magaalada Muqdisho.

June7, 2017 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay dowladaha Carabta ee walaalaha ah.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa  lagu sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ku baaqeyso in khilaafka lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

July 18,2017 waxay ahayd maalin u cusub reer Puntland, waana maalintii ugu horeysay Abid oo baarlamankoodu xasaanada si wadar ah ugala noqdeen gollihii Xukuumadda oo lagu eedeeyay fashil iyo waxqabad la,aan, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isla maalintiiba aqbalay go’aanka Baarlamanka.

Dadwaynaha reer Puntland siyaalo kala duwan bay u arkeen tallaabadii degdegga ahayd ee baarlammaanku qaaday, kuwo soo dhaweeyay una arkayay in goluhu xilli loo baahnaa ay tahy in ay laxisaab tamaan xukuumadda, halka kuwa kalena u arkayeen in la xisaabtanku uusan ahayn tallaabo dan guud loo qaaday balse uu ahaa mid dan gole lagu raadino.

August  7, 2017 Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mar kale soo magacaabay Golle Wasiiro oo tiradoodu ka kooban tahay 53 qof oo u badnaa Xukuumaddiisii horre ee Baarlamanku riday.

August 10, 2017 Baarlamaanka Puntland ayaa cod aqlabiyad dib ugu ansixiyay Golihii xukuumada oo ay July 18,2017 ku eedeeyay fashil iyo waxqabad la,aan, waxaana soo ifbaxay in gilgilashadii baarlammaanku xaqiiqdii noqotay baroortu orgiga ka wayn, iyo in dano gurracan oo aan shacabka loogu danaynayn laga lahaa rididdii xukuumadda, waxaana caddaatay in labadii gole oo isla xisaabtanka la isugu miisaamay heshiiyeen oo qolo waliba danteedii gaartay.

August  14, 2017 Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo ku shiray Magaalada Jowhar ayaa xilkii ka qaaday Madaxweynihii  Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo xilka loo doortay dhamaadkii Sanadii 2016.

August  16, 2017 Puntland ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegay inay go’aansatay inay la jirsadaan Waddamada Sacuudiga iyo Imaaradka, iyagoo ku taageeraya muranka kala dhaxeeya dalka Qadar.

August  20, 2017 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la tixgaliyo go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ay gaareen, balse Madaxweynaha xilka laga qaaday ee Cosoble ayaa sharci daro ku tilmaamay xilka qaadistiisa, wuxuuna ku eedeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

August 29, 2017 Dowladda Soomaaliy ayaa Cabdikarim Qalbi-dhagax oo ka tirsnaa jamhada ONLF oo 23-kii bishaas laga soo qabtay Koonfurta Mudug ugacan galisay dowladda Itoobiya, arintaas ayaa dhalisay kala aragti duwaan siyaasadeed, Dowladda ayaa sheegtay in Qalbi-dhagax uu abaabulayey falal lid ku ah amniga dalka oo uu in muddo ah ka dhexwaday dalka gudahiisa, xiriirna uu la lahaa kooxaha Al-Shabaab, halka Baarlamaan Soomaaliya ku tilmaameen mid sharci darro ah.

September 16, 2017 Maxamed Cabdi Waare ayaa  loo doortay madaxweynaha cusub ee  maamulka Hirshabeelle, kaddib markii uu kaga adkaaday wareeggii labaad ee doorashada musharraxii la tartamaya Daahir Cabdulle Cawaale.

September 19, 2017 Madaxweynaha Galmudug Axmed Xaaf ayaa War-saxaafadeed u soo saaray ku taageeray mowqifkii ay horay u qaateen xulafada uu hogaamaiyo Sucuudiga, kaas oo xiriirka loogu jaray dowladda Qatar, go’aanka Xaaf ayaa waxa uu Galmududg ka dhex bilaabay qalalaase siyaasadeed.

September 21, 2017 Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi , Gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal iyo ku xigeenkiisa Maxamed  Maalin ayaa iyaguna War-saxaafadeed ku sheegay in ay la mowqif yihiin Dowladda federaalka ah, ayna dowladda dhexe masuul ka tahay go’aan ka gaarista siyaasadda dibadda.

Intaas kadib Xildhibaano ayaa sheegay in madaxweyne Xaaf xilka ka qaadeen, halka Xildhibaanno kale ay sheegeen in ay xilk ka qaadeen Gudoomiyaha baarlamaanka, dowladda federaalka ayaa la safatay Guddoomiyaha baarlamaanka, halka Dowlad goboleedyada ay la safteen Xaaf,  ugu danbeyna si sulux ah ayaa Muqdisho loogu xaliya khilaafkii Galmudug.

October 11, 2017 waxaa War-murtiyeed ka kooban ilaa 16 qodob ayaa  laga soo saaray shir Wadatashi ah oo magaalada Kismaayo maalmo ugu socday Madaxda Dowlad goboleedyada dalka oo kala ah Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug.

War-murtiyeedka yaa waxaa qodobada looga hadlay ka mid ahaa arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Kaalmada Caalamiga, waxaana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka ee Soomaliya, waxayna madal ay sameysteen gudoomiye ugu doorteen Cabdwali Gaas.

October 12, 2017 Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa madaxda Dowlada goboleedyada u yeeray, kana dalbaday inay si deg-deg ah u yimaadaan Muqdisho, si looga wadahadlo muranka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Madaxda Dowlad gobaleedyada.

October 12, 2017 Shirkadda P&O Ports oo qeyb ka ah DP World ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka Dekadda Boosaaso, waxaana munaasabadii wareejinta goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Puntland, Maamulka Goboka Bari, Nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka iyo wakiilo ka socday shirkadda.

Intaas kadib ganacsatada ayaa muranka ka keenay kordhin lagu sameeyay khidmadaha laga qaado badeecooyinka ka soo dega Dekadda, kaas oo hakad galiyay howlihii Dekadda iyo guud ahaan ganacsiga Puntland, waxaana dhowr jeer Boosaaso ka dhacey mudararaadyo looga soo horjeedo arintaas.

Ugu danbeyn waxaa muranka Dowladda iyo ganacsatada soo kala dhexgalay Isimadda Puntland oo ka soo saaray go’aano ku meel gaar ah, kuwaas oo ilaa hadda ka shaqeeya Dekadda Boosaaso

October 14, 2017 waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Zoobe ka dhacay qarax weyn oo musiibo ah oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof, boqolaal qofna ku dhaawacmeen hanti badana ay ku baa’ba’day, wuxuuna ahaa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca qaaradda Afrika inta la xasuusto, ma jirin cid sheegatay musuuliyada Musiibadaas, balse Dowladu waxay ku eedaysay Al-shabaab.

October 28, 2017  Weerar ay  Al-shabaab ku qaaday Hotel Nasa-hablood Labo ee Muqdisho ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 25-qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 40-qof oo isugu jiray ciidammo, shacab iyo masuuliyiin, waxaana kamid ahaa dadkii ku dhintay Xildhibaan hore C/naasir Gaarane iyo Madoobe Nuunow Maxamed oo ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed

November 5,  2017 Waxaa War-murtiyeed laga soo saaray shir 10 cisho uga socday magaalada Muqdisho  Dowladda dhexe iyo Madaxda  Dowlad gobaleedyada, waxaana laysku afgartay arimo dhowr ah, inkastoo aan xal laga gaarin mowqifka Khaliijka.

November 13,  2017 Shacab Somalinad ayaa u dareeray goobaha codbixinta Doorashada madaxtinimada Somaliland, iyagoo dooranayay madaxweynihii hogaamin lahaa shanta sano ee soo socota.

November 21,  2017 Gudiga Doorashada Somaliland oo muddo Isbuuc ah heysay natiijada ayaa ku dhawaaqay Muuse Biixi oo ka socday Xisbiga Kulmiye in uu ku guulaystay talada Somaliland, kadib doorashadii madaxtinimo la qabtay 13 November,wuxuuna helay 55.19% codadkii la dhiibtay.

December 14, 2017 Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay xubnaha Golaha Wasiirada ee Xukuumaddiisa,  oo ka kooban 23 Wasiir iyo 9 Wasiir ku xigeen waxaana ku jiray wasiiro hore oo ka tisanaa Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo.

December 17, 2017 Waxaa goor habeen ah gurigiisa lagu weeraray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, 5 Askari oo ka tirsanaa ilaalada Siyaasiga ayaa dilay, isna isagoo dhaawac fudud qaba ayaa xabsi loo taxaabay, maalmo kadib Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa la soo taagay Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, balse wax danbi ah waa lagu waayay waana la siidaayay, hadana marlabaad Maxkamada Racfaan ayaa u yeertay walina waa la sugayaa.

December 30, 2017 Ciidamado ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa gudaha u galay guriga uu ka degan yahay Muqdisho Senator Cabdiqeybdiid oo  ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Gunaanad

 Hambalyo dhamaan umada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto, waxaan ugu hambalyeynaynaa sanadka cusub ee dunida ka dhashay ee 2018-ka , waxaana kale oo halkaan hambalyo uga diraynaa aqristayaasha sharafta badan ee ku xiran Warbaahinta PUNTLAND POST.

PUNTLAND POST – 2018

Liban Yusuf