Madaxwaynaha Puntland oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyey Dhalashada Sanadka Cusub ee 2018.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 01 January 2018 waxa uu ugu hambalyeeyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba dhalashada sanadka cusub ee 2018.
 
Madaxweynaha Puntland ayaa Alle uga baryey ummadda islaamka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay sanadkaan sanadkiisa bash-bash iyo barwaaqo ku gaaraan, sido kalena Eebbe uga dhigo sannad Soomaaliya u horseeda horumar, nabad iyo dawladnimo wanaagsan.
 
‘’Waxaan rabaa in aa hanbalyada sanadka cusub aan u diro dad-waynaha Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaanba, farxaddana la wadaago shacabka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedba, waxaan Alle ‘SWC’ inooga rajaynayaa inuu sanadkan cusub inooga dhigo mid ka wanaagsanaada sanadkii dhammaaday ee 2017, waxaan rajaynayaa in uu inoo horseedo horumar, wadajir,midnimo, iyo Barwaaqo’’. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
 
“ Insha Alla waxaan idiin rajaynayaa sanad cusub oo wanaagsan, waxaan Eebbe ‘SWC’ ka rajaynayaa in sanadka soo socda uu noqdo mid ka nabad gelya badan mid ka barwaaqo badan ka wanaagsan ka horumar badan sanadkii ina dhaafay, sanad walba kan ka danbeeya waxaan rajaynayaa in aynu ku talaabsano horumar iyo inagoo hore u socona dawladnimo wanaagsan iyo midnimo Wanaagsan’’. ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
 
Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyey shacabka reer Puntland meelkastay joogaanba, Allena uga baryey in uu sanadkaan cusub uga dhigo sannad horumar oo ka wanaagsanaada sanadihii hore.
 
-DHAMMAAD-
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MAXATOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.