Shirkadda Dalkom oo daahfurtay adeegyo cusub oo la xiriira baahiyaha Tecknoologiyadda

Shirkadda Dalkom Soomaaliya oo horay dalka uga hirgelisey adeegga viber Optiga  ayaa waxa ay daahfurtay adeegyo cusub oo baahiyihii tecknoologiyadda SATLET-ka ay uga baahi tirayso shacabka.

Dalkom ayaa adeegyada cusub ugu magac dartay DALSAT, wuxuuna  adeegaani xallinayaa dhibaatooyinkii teknoolojiyadda ee dibadda loo doonan jirey, sida uu sheegay Maxamed Jaamac oo ah maareeyaha shirkadda Dalkom Soomaaliya

DALSAT ayaa waxaa laga heli karaa adeegyada dhinaca teknoolojiyada Satleytka ee dhinaca Internetka sida, Isku xirka xarumaha shirkadaha isgaarsiinta, Jaamacadaha, bangiyada iyo shirkadaha duulimaadyada goboladadalka oo dhan.

Waxaa kaloo laga heli karaa adeegyada DALSAT lalinta warbaahinta oo idil gaar ahaan tabinta TV-yada tooska ah.

DALSAT waxaa uu shirkadaha Soomaalida ka haqabtirayaa teknoolojiyada KEYDINTA macluumaadka gaarahaan xogaha Jaamacadaha , shirkadaha isgaarsiinta, warbaahinta iyo Bangiyadaba

Maareeyaha shirkadda DALKOM Soomaaliya Jaamac ayaa sheegay in adeegyadaan heliddooda dhib lagala kulmi jirey qarash bandanna ku bixi jirey laakiin haatan laga heli karo isagoo jaban dalka gudihiisa.

Haddaba ciddii daneyneysa in ay si fudud u hesho INTERNE, si fududna u laliso warar amaba daneyneysa isku xirka xarumaha iyo kaydinta macaluumaadka waxay arrimaah oo dhan uga bogan kartaa DALSAT.

Waxaa lagala xiriiri karaa:

Email: info@dalkomsomalia.com

www.dalkomsomalia.com

Tel: +25261-7745050 ama +25262-3745050 ama +25269-0745050

PUNTLAND POST