Muwaadin Soomaaliyeed ayaa weerar Tooreey ah ka geystay dalka Mareeykanka.
Haweeney lagu magacaabo Morgan Evenson oo ah Haweeneey u dhalatay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in uu soo weeraray Muwaadin Soomaaliyeed oo isku dayay in uu dhaco.
Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Soomaalida ay ku badantahay ee Minneapolis.
Haweeneeydaan ayaa wariyaasha u sheegtay in ay iska difaacday weerarakaasi uu ku soo qaaday waxaana ka soo gaaray dhaawacyo.
Ciidamada Booliska Dalka Mareykanka ayaa soo gaaray Goobtaasi iyaga oo sameeyay baaritaano.
Ilaa hadda lama sheegin magaca muwaadinkaan Soomaaliyeed ee falkaasi dhaca ah isku dayay hayeeshee Booliska waxa ay sheegeen in da’diisu ay tahay 24-Sano jir.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post