Madaxwaynaha Puntland oo Kulan La qaatay xubnaha Golaha Deegaanka Gaalkacayo

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 december 2017 waxaa uu kulan laqaatay xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacayo.

Kulanka uu Madaxwaynuhu Laqaatay Golaha Deeganka degmada Gaalkacayo ayaa waxaa ku wehelinaayay mas”uuliyiin  katirsan golayaasha Dawldda Puntland  iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Puntland, waxaana kulanka lagaga wada hadlay arimo ay kamid ahaayeen dardargelinta mashaaricaha horumarineed ee Dawladdu kawado magaalada Gaalkacayo iyo wanaajinta xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya xildhibaanada golaha deegaanka .

Madaxwaynaha ayaa xubnaha golaha deegaanka ee degmada Gaalkacayo  waxaa uu ku booriyay in ay kawada shaqeeyaan sidii ay  magaalada Gaalkacayo hor”umar balaadhan ugaar siin lahaaye si ay ula jaanqaado  magaalooyinka dhigeeda ah.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland ayaa waxaa uu ugu baaqay in dhammaan xildhibaanadu ay u istaagaan sidii ay waxbadan looga qaban lahaa horumarka, nabadgelyada, iyo bilicda magaalada Gaalkacayo.

Ugu danbayn Madaxwaynha Dawlada Puntland ayaa waxaa uu kula dardaarmay guud ahaan shacab iyo Dawladd in laga wada qayb qaato horu”marka iyo nabad gelyada magaalada Gaalkacayo.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.