Baarlamaanka Hir Shabelle oo Codka Kalsoonida Siiyay Wasiirada Maamulkaasi

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta KMG ah ee Maamulka Hir Shabelle ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi ay ansixiyeen Wasiiradii Cusbaa.

Kulankaan ay ku ansixiyeen Baarlamaanka Maamulkaasi Wasiirada Cusub ayaa Waxaa Goobjoog ahaa 79 Mudane oo katirsan Baarlamaanka Maamulkaasi.

77-Mudane ayaa codka kalsoonida siiyay Golaha wasiirada maamulkaasi halka 2 Xildhibaana ay ka aamuseen mana jirin cid diiday.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir Shabelle Sheekh Cismaan Barre Ayaa ku dhawaaqay in ansax ay yihiin wasiirada uu soo dhisay madaxweynaha Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho