Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa kula kulmay Xildhibaano Katirsan Puntland iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland.

Wafdigaan uu hogaaminayo Gudoomiyaha ayaa Muqdisho uga qeeybgalay Shirka Baarlamaanada Heer Maamul Goboleed.

Waxaa sidoo kale kulankaasi ku sugnaa Gudoomiyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Mudane  Axmad Cali Xaashi ayaa ugu mahad ciliyay madaxweyne Farmaajo casuumaada uu ugu fidiyay xafiiskiisa.

Dhanka kale waxaa iyana goobtaasi ka hadlay Gudoomiyaasha aqalka Sare iyo Aqalka hoose kuwaasi oo dhamaantood sheegay in ay muhiim tahay in ay wada Xaajoodaan islamarkaasina ay kulmaan Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo kuwa Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Sawirada

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho