koob lagu maamuusayo A.U.N Gen.Maxamed Abshir oo galabta ka furmay Garowe

Waxaa galinkii dambe ee maanta ka furmay Garoonka Kubadda Cagta ee Studio Mire Awaare magaalada Garowe ciyaar lagu maamuusayo Alle ha u naxariisto General Maxamed Abshir Muuse waxaana ku tartamaya koob soconaya muddo lix cisho ah afar kooxood oo kala ah Al xikma, FC Manoco,Costarica iyo Kooxda Barakacayaasha.

Tartankan lagu maamuusayo A.U.N Maxamed Abshir Muuse waxaa soo qabanqaabiyay dhalinyaradda xaafadda Hodon , sida uu sheegay Maxamed Cabdisalaan Maxamuud (Maxamed Kayse) oo ka mid ah dadka soo qabanqaabisay tartanka.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda dib u dhiska iyo horumarinta Puntland Abshir Nakhuude oo ka mid ah soo abaabulayaasha koobkan ayaa si rasmiya u furey galabta, wuxuuna sheegay in looga gol leeyahay isku xirka bulshada iyo dhiirigalinta dhalinyaradda.

Sidoo kale wuxuu sheegay Wasiir Abshir in munaasabadaan xus iyo maamuus gaar ah u noqonayso Alle ha u naxariisto General Maxamed Abshir Taliyihii ugu horeeyay ciidanka booliska Soomaaliyeed kana ka mid ahaa dadkii fara-ku tiriska ahaa ee usoo halgamay dalka.

Wuxuu intaas ku darey Abshir Nakhuude inuu noqon doono tartankan mid sanad kasta la qabto islamarkaana uu hadda ku guddo jiro diyaarinta buug uu ka samaynayo taariikhda dahabiga A.U.N Maxamed Abshir Muuse.

?
?
?
?
?
?
?

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST